Salaadiin Ka Hadashay Dilkii Loo Gaystay Labada Sarkaal Ee Ciidamada Ka Tirsanaa

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse, ayaa ka hadlay dilkii loo geystay labada Sarkaal, iyo dilkii ka horeeyey ee labada qof ku dhinteen ee ka dhacay isla Gobolka Sanaag, Waxayna Xukuumadda ugu baaqeen inay waajibkeeda ka gudato, oo dadkii dilalka geystay sida ugu dhakhsaha badan gacanta ugu dhigto sida ugu dhakhsaha badan, waajibkoodana mariso.

Salaadiinta oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ka hadlay arimahan ayaa yidhi

“Dil aad iyo aad u fool xun, oo aan dhaqan inoo ahayn ayaa dhacay, ceeb baa dhacday, waana ayaan daro weyn in jid loo galo, oo la laayo Saraakiil CIidan oo wax dambiya oo ay galeen jirin, markaas Dawladdu waa inay sida ugu dakhsaha badan gacanta ugu soo dhigtaa dadkii dilka geystay ee Saraakiisha laayey, walibana waa in Shacabkuna Dawladda iyo Ciidanka la shaqeeyaan, oo dadka dilka geystay ay soo sheegaan meel kasta oo ay joogaan, waana in dadkaas gacan ku dhiiglayaasha marka la soo qabto, waa in sharciga la hor keena, waxaan kale oo aan aad u cambaaraynayaa dilkii kan ka horeeyey ee isna labada qof ku dhinteen, Dawladduna nabada ha adkayso, oo cid kasta oo dhib iyo colaad wada gacan bir ah wax ha kaga qabato”.

Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse ayaa isna yidhi “Nabadu waa qaali, ee ILLAAHAY xaqa ha ina garansiiyo, mar walbana samaha iyo wanaaga aynu ka shaqeeynayno, colaad iyo fidnadana looma baahna, ee aynu ka dheeraano, Dawladdu mar walba nabada ha ilaaliso, cid kasta oo dhib wadana wax ha ka qabato, bishiii khayrka badnayd ee Shabcaan ayeynu ku jirnaa, oo inoo dhammaynaysa, bishii Ramadaan oo ah bisha ugu khayrka badan bilaha ALLE ayaa iyana inoo soo galaysa, ee ALLE khayr ha inoogu soo galiyo, oo ALLE xumaanta iyo shaydaankaba ha inaga qabto,Saraakiisha la dilayna waxay ahaayeen Saraakiil Qaran ee ALLE ha u naxariisto, jannadiina ha ka waraabiyo, inagana samir iyo imaan ha inaga siiyo, cidda dishayna waa in la soo qabtaa”.

Source Geeska