Sawirka Todobaadka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Garyaqaan Jaamac Shabeel oo xabaashii Xaji Cabdi Waraabe  is gacan- qaadaya.

Sawirka Todobaadka..Madaxweyne Muuse Biixi iyo Garyaqaan Jaamac Shabeel oo xabashii Xaji Cabdi Waraabe  is gacan- qaadaya.

Halkan waxaa ka muuqda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyihii hore ee Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Garyaqaan Jaamac Shabeel oo is gacan- qaadaya kuna kulmay Aaskii Qaran ee maanta loo sameeyay Samataliye Xaaji Cabdi Xuseen Waraabe Allah Naxariistii Janno haka waraabiyee.

Ummada reer Somaliland waxaa Caado u an in si kasta oo la isu khilaafo ama loo kala fogaado hadana aan laga tagin Gobonimada iyo Walaalnimada. Waxaan aad ugu rajo-weynahay in Madaxweynaha iyo Jaamac Shabeel ay iska cafin doonaan wax kasta oo soo kala dhex gslay maadaama aynu ku jirno Bil Barakaysan.

Jaamac Shabeel iyo Madaxweyne Muuse Biixi waxay soo wada mareen halgan aad u dheer mana noqon doonaan saaxiibo sidaas ku kala taga. Qaar badan oo imika Madaxweynaha isku dhedhejiya waxaa uga waxtar badanaa Jaamac Shabeel oo dhib iyo rafaad la soo maray.

Aad iyo Aad ayaan ugu Farxi lahaa anigoo arka Jaamac iyo Madaxweynaha oo wada Afuraya inta Bisha Rabadaan aynu ku guda jirno insha Allah.

Ma KHALDAME waa ILLAAH