Shacabka Oo U Dhegtaagaya Talaabada Laga Qaado Ragii Dilay Saraakiisha Iyo Dhaliisha Wasaarada Arimaha Gudaha. FAALO.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Ciidamada kala Duduwan ee Qaranka Somaliland gaar ahaana Ciidamada Kamaandawsta Guutooyinka Jiidaha

Hore ee Dagaalka ee katirsan Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Ladagaalanka Aragagixisda ee loo yaqaan RRU ayaa la sheegay in ay ku hareeraysan yihiin Dableydii gacan-kudhiiglayaasha ahaa ee agagaarka Deegaanka Yagoori ku Diley labadii Taliye kuwaas oo la filayo in Subaxan Saaka ah Ciidamadu ku ekaysiiyaan Weeraro dhirbaaxo kulul ah oo ay u haystaan amar.

Sida ay u xaqiijiyeen Shabakadda Wararka Hadhwanaagnews Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee ku Sugan halkaasi, waxa la filayaa in Sacadaha Soo socda lagu qaadi doono Weerar Dhirbaaxo kulul ah maadaama, ay ku adkeysteen in ay is difaacaan, islamarkaana, ay ka dhego adeygeen in ay isku soo dhiibaan Ciidanka Waxaanay Taliyayaashu iyagoo ka cudurdaaranaya in Xogwaran siiyaan Warbaahinta si guud mar ah u Xuseen in Ciidanku isku diyaarinayo,weerarkaasi islamarkaana, aanu jirin habayaraatee Wax nasteex ah iyo wax Waan waan ah oo laga aqbalayo Waxaan aheyn weerar adag oo lagu qaadayo dableydaasi.

Guud ahaanba Shacabka Somaliland ayaa u dhegtaagaya Talaabada ay Ciidanku ka qaadi doonaan Dableydaasi Gacankudhiiglayaasha ah oo si araxandarro ah oo ka caagan Shacabka Somaliland Rasaas ugu jarjarey Labada Taliye ee ay Ku Dileen Nawaaxiga Degmada Yagoori,Talaaban foosha xun oo saameyn ku yeelatey amaanka Xaalada Dalka iyo dhegxumo dhinaca Ciidamada kala duduwan ee Somaliland maadaama ay Somaliland guud ahaanba kaga duwan Dalkii hore la isugu odhan jirey Soomaaliya Dhismaha Ciidamada iyo kala dambeynta Shacbigu ku ixtiraamaan xaalada ilaalinta iyo adkeynta amaanka ee ay u Dubjiraan iyadoo lawada ogyahey sida ay heeganka ugu yihiin bacadkana ugu joogaan ilaalilnta dalkooda ku sugan yihiin Mar walba goob kasta iyo Goor kasta.

Sidoo kalena Xukuumadda Xiligan taladda haysa ee uu hogaaminayo, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayey talaabadan foosha xumi ku keentay Sumcad xumo Guda iyo Dibaddba ah taas, oo aaney habayaraatee Shacbiga Reer Somaliland marnaba raali galinin Xeer Madaxweyne oo kasoo baxey Xarunta Madaxtooyadda Somaliland kuna Sexeexnaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kaas, oo Xaalad Degdeg ah lagu soo rogay Degmooyinka Gobolka Sanaag Ceerigaabo,Ceel-Afweyn iyo Degmada Gar-Adag, oo Shacbigeedu ku kaceen falkan Foosha Xun ee lagu Dilay Labada Taliye Balse,Waxa Xukuumadda looga fadhiyaa in ay Talaabo degdeg ah ka qaado Gacan ku dhiiglayaashaa sida araxan darada ah u khaarajiyay labada Taliye.

Dhinaca kale,Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ee Guud ahaanba dalkan u qaabilsan Amaanka ayaa, Waxa ku yimid mudadii Xukuumadan Dabacsanaan iyo kala daadsanaan ay Wasaaradaasi ku gabtey Guud ahaanba Shaqadii loo igmadey taas,oo ay Tusaale Fiican tahey dhacdooyinka iyo Colaadaha ka taagan Gobolada Bariga dalka iyadoo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed kaga mashquuley hawlihii Wasaaradiisu u Xilsaarneyd atrimaha Xisbiyada iyo khilaafkooda,Waxaana ceeb ku ah Ixtiraamka iyo Qadarinta aan Xadidneyn ee Madaxweynaha Qaranku u hayo Maxamed Kaahin oo ka duwan Guud ahaanba Tan Golaha Wasiirada kale,iyo Dhacdooyinka Foosha Xun ee dalka ka dhacey mudadii uu Xilka Wasaaradda Arimaha hayay sida dhacdadii Foosha Xumeyd eek a dhacdey Gobolka Sool ,Dhacdada Ceel/Afweyn ee Soo noqnoqotey iyo dhacdadan u Dambeysay ee Qeyb kamid ah Beesha uu kasoo jeedo Wasiirka Aimaha Guduhu ay ku Dileen Labada Taliye ee katirsanaa Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Boolisku.

Sikasta oo ay arimahaasi yihiin Waxaa looga fadhiyaa Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha sidii ay isu Waafajin lahaayeen Gudashada Waajibaadka Shaqo ee Hawlaha Culus ee Qaranka iyo Cilaaqaadka Saaxiibtinimo ee labadooda u dhexeeya, kuwaas oo si aad ah loo hadalhayo tan iyo intii ka dambeysay Markii Xukuumadani la Wareegtay Talada dalka inkastoo laga filayay in arimo badan oo Goboladaa ku wajahan in Wax badani iska badeli doonaan hadana ilaa iyo hadda Waa mid Cirka ku laalan.

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)