Sidee Wax U Dhaceen 27.May. 1988-Kii ?

Maalmo ka hor 27 may 1988-kii, waxay ahayd wakhti aad iyo aad ugu adag jabhadii S.N.M iyo
taageerayaasheediiba, waayo waxaa heshiiyay labadii hogaamiye ee Somalia iyo Ethiopia, Siyad
barre iyo Mengistu.Waxaa dallow ka dhacday rejadii shacabka,waxkastana waxay ka fisheen
dhinaca guuldarada.Werwerka,malo- awaalka,anfariirka iyo rajo xumadu waxay noqdeen kuwo
wehel u ah dadkii ku noolaa Gobolada Waqooyi ee SOMALIA. Maalmahaas
heshiisku dhacay xitaa
Gudoomiyihii S.N.M-ta,Ahmed Siilanyo oo dareensan rajo xumada jamhada S.N.M iyo shacabdkeeda soo wajahay,dhinaca kalena iska diid siinaya heshiiska labada dawladood
gaadheen, ayaa la hadlaaya idacada BBC-da, laanteeda afsomaliga, bal si uu in uun rajada umada
usoo nooleeyo,wuxuuna bixinayaa waraysigii fariinta xambaarsanaa ee ay ereyadiisa ka midka
ahaayeen DAWLADUHU HADII AY DOONAN HA HESHIIYEEN LAKIIN INTA DULMIGII AANU
KA DAGAALAMAYNEY JIRO HALGANKA JOOJIN MAYNO!!!.
Maalin-nimadii 04- April-1988-kii., Itoobiyaanku iyagoo fulinaaya, heshiiskii ay la galeen Somalia, waxay albaabada isugu dhufteen idaacadii SNM ee
Radio Halgan.Waxay kaloo tilifoonka ka jareen, Xaruntii SNM ee Magaalada Adis Ababa ku taalay. Ilsla maalin-
nimadaas ayay madaxdii SNM ee xaruntii guud ee ururka ee Diri Dhabe ku taalay, shir isugu yimaadeen, waxayna
tallo ku gaadheen in waddanka madax madax usoo gallaan. waxayna isu qaybiyeen labba qaybood.Garabkii
siyaasada oo loo diray, inay Mingiste soo kala calaf qaadaan. Iyo Garabkii Ciidamada oo loo diray, inay ciidanka sii
habeeyaan. Weftiga Adis Ababa aaday waxaa hogaaminaayay Gudoomiyhii SNM,Axmed Siilanyo,waxaana weftigaasi ka
koobnaayeen shan xubnood, oo kala ahaa.
1.Gudoomiye Siilanyo.
2. Muj: Rashiid Shiikh Cabdillaahi ”Gadhweyne” oo ahaa Xoghayihii arimaha dibbada ee SNM.
3.Muj: Boobe Yuusuf Ducaale,oo ahaa Xoghayihii Golaha Dhexe Iyo Gudida Joogtada.
4. Muj: Hadraawi, oo ahaa Gudoomiyihii Gudida Joogtada ee Golaha dhexe. 5.Muj: Cabdi-samad Xaaji Cabdilaahi, oo ahaa la-taliyaha Gudoomiyaha, ee Arimaha Ciidamada Xoraynta
Garabkii Ciidamada ee loo diray inay sii habeeyaan ciidankana, waxaa hogaaminaayay Taliyihii Ciidamada SNM ee
Xiligaas, Muj Axmed Mire Maxamed iyo Abaan-duulihii Ciidamada SNM, ee xiligaas Muj: Xassan Yonis
Habbane.Labbadan sarkaal waxay ahaan jireen garabka Gudoomiyaha SNM taageera, waxaana khilaaf dhex yaalay,
garabkii mucaaradka ku ahaa Gudoomiyaha.Lab
ba-bilood ka hor gudo-galka, waxay magaalada Xarshin ka soo
xidheen niman Saraakiil ah, oo ay ka mid ahayeen Muj; Dhagaweyne,iyo Muj; Muse Bixi. Bilowgii bishii May, ayaa weftigii Gudoomiyuhu hogaaminaayay ee Adis Ababa loo diray ay soo gaadheen, Jiidaha
hore ee dagaalka, waxaana jirtay inay dadku aad u kacsanayeen oo ay xiiso weyn u qabeen,in gudaha la isku shubo.
Waxaase taas barbar taalay inyar oo hoos ka shuuq ah, oo ku xidhiidhsan khilaafkii markii horeba ururka dhex
yaalay. Markaa waxaa dhacday in Gudoomiyihii SNM, lagula taliyay inuu Hogaanka garabka Ciidamada wax ka
bedelo. Gudoomiye Siilanyona wuu qaatay go,aankaas,wuxuuna xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada SNM, Muj
Axmed Mire iyo Abbaanduulihii Ciidamada SNM,Mujaahid Xassan Yonis habanne. Taas bedelkeeda wuxuu Gudoomiyuhu, Xilkii xoghayaha Difaaca SNM ee uu isagu markii hore hayay, ku
wareejinaya oo uu u magacaabaya, Muj: Jaamac Cali Cilmi. Mujaahid Jaamac Cali Cilmi, waxaa loo arkaayay nin
isku wadi kara, garabyadii SNM ee iska soo horjeeday. Waxaa kale oo Gudoomiye Siilanyo, magacaabay Gudi-
dagaal gelineed oo uu Gudoomiye u yahay isla Muj;Jamac Cali Cilmi.
Gudigaas oo ka koobnaa shan nin waxay kala ahayeen.
Muj Jaamac Cali Cilmi’. Gudoomiye
Muj Xassan Yonis Habbane.
Muj Maxamed Kahin Axmed
Muj Cabdirisaaq Axmed Cali
Muj. Cabdi-samad Xaaji Cabdillaahi.
Gudigaas shanta Sarkaal ka koobani, waxay isu soo uruuriyeen Ciidankii SNM, Waxayna dhigeen qorshihii
waddanka lagu soo galay.Iyagoo u qaybiyay Ciidamadii SNM-ta labba aag oo waaweyn oo kala ah, aaga Burco, oo
ay sir -ciidan ahaan ugu magac-dareen “”Aaga Madiina”. Iyo Aaga Hargeysa oo iyana loo bixiyay ”Aaga Makka”. Haddaba Ciidankan maanta oo kale Burco soo galay, ee Aaga Madiina, waxay ka koobnaayeen Afar Urur, Ururka
Koobaad, Ururka Saddexaad, Ururka Tawakal iyo Ururka Alle Aamin. Waxayna ahayeen Kun iyo Labba boqol oo
Mujaahid.Ciidankaas aaga Madiina waxaa hogaankooda guud ahaa,Muj. Axmed Mire Maxamed, abaan-duulena
waxaa u ahaa Muj.Aadan Saleeban Cali. (Ma gubte), taliyaha hawlgelinta waxaa ahaa Muj.Xuseen Axmed (kharash
yare). Waxayna wateen ciidankaasi
4 Siikaawe
2 beebee
2 Jiib
2 ZUU 23-AH 30 Gaadhi oo xamuul ah,. waxayna wajahayeen ciidamadii gaaska 3aad ee qaybta 26aad ee xooga dalka somalia oo ka koobnaa.
4 Guuto oo Ciidanka dhulka ah.
1 Guuto oo Tankiyo ah ama KAARAYAAL sida aad u taqaanan
2 Guuto oo Madaafiicda Goobta ah
iyo hal urur oo ah hubka wax gumaada ee PMka loo yaqaan.
Gallab-nimadii 26-May-1988-kii oo ahayd maalin Khamiis ah, ayay Ciidamada SNM ee Aaga Madiina, ay ka