Siyaasi Geeljire Oo Naqdiyay Khudbadii Madaxweynaha Ee 18 May

eHargaysa (Salaanmedia.com)_ Siyaasiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa naqdiyay khudbadii uu Madaxweyne Biixi ka jeediyay maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, waxaanu sheegay inay khudbadiisu ahayd mid sii kala qaybisay umadda.

Geeljire oo uu waraysi la yeeshay weriye Najax Aadan Cunaaye oo ka tirsan HCTV, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Khudbada madaxweynaha waxaan ahaa dadkii ka rajaynayay in Madaxweynuhu fursadan ka faa’iidaysto oo uu jeediyo khudbad maalinta qaranka u qalanta oo kalgacal ku dheehanyahay oo dadka ururuinaysa oo midaynaysa oo isu soo dhawaynaysa quluubta shacabka oo kooban, dadkii mar walba ku dhiirigelin jiray madaxweynaha dadka ururi oo khilaafka iyo dhadhan xumadii ay doorashadu ka tagtay ee weli inala socota wax ka qabo.” Ayuu yidhi siyaasi Geeljire.

Waxaanu intaas raaciyay “Waxaan bartayda facebooka ku soo qoray wada jir ka hadal madxweyne oo ku tuntuunso wada jirka umadda iyo niyad wanaaga khudbadaada soo socota, laakiin markaan dhagaystay nasiib darro kamaan helin wixii aan ka sugayay aniga iyo dad kaleba, waxaanay u eekayd khudbad xisbi oo xisbi olole ku jira, waxay ahayd khudbad aan waxba ka qaban kala qaybintii dadka ku dhacday iyo tabashooyinkii jiray, madaxweynuhu wuxuu ka bilaabay bilowga khudbadiisa heestii waabaa beryay oo laba bayt ah, wuxuunan carabka ku sii xejiyay kuwii ‘Kuwii ka baydhee, bahdooda ka leexday waa baaba’ooda.’ inuu qaybtaas dambe jeclaa ayaad moodaysay.

Wuxuu Siyaasi Geeljire hadalkiisa ku sii daray, “Xisbi dhan [Waddani] oo ilaa 10 qof oo madaxdooda ahi fadhiday oo guddoomiyihii ku jiro muu magacaabin inay fadhiyaan, iyagoo fadhiya ayuu guddoomiyahoodii eeddo halkaas uga jeedinayay dadkana wuxuu lahaa taageerayasha Waddani iyo inta kale ayuu u kala qaybinayay, muu lahayn umadda Somaliland ee uu masuulka ka wada yahay, iskumuu wada qaadin ee dad kala jaada ayuu tilmaamay oo qaarna taageerayasha Waddani yihiin inta kalena dad kale yihiin.”

Geeljire, wuxuu naqdiga khudbadii madaxweyne Biixi ku soo koobay “May ahayn khudbadii dadka isu keeni lahayd, ee dadkan isu soo dhawayn lahayd, waxa kale oo iiga muuqatay arrinta doorashada inaanu si daacad ah uga waramin ee mawqifkii isaga iyo xisbigiisa kulmiye iyo UcId wada gaadheen ayuun buu ka dhigay tanaasul uu isagu sameeyay, mana ahayn tanaasul ee waa mawqif uu gaadhay oo wixii ay Waddani doonayeen kamuu jawaabin, markaas anigu wax alaale wax ay soo kordhisay oo ahinaynu ahayn sidii maalintii ka horaysay aynu ahayn, wuxuun baa faraq ah dadka dabaal degayay ee waddaniyada jecel ee aynu ka mid nahay.