Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Soomaaliya Oo U Aragta Fursad Dahabi Ah Oo Somaliland Lumisay Socdaal Farmaajo Iyo Abiy Axmed ku Iman Lahaayeen Hargeysa Oo Madaxweyne Biixi Diiday

Soomaaliya Oo U Aragta Fursad Dahabi Ah Oo Somaliland Lumisay Socdaal Farmaajo Iyo Abiy Axmed ku Iman Lahaayeen Hargeysa Oo Madaxweyne Biixi Diiday

Soomaaliya Ayaa Sheegaysa In Ay Diyaar U Tahay Wada Hadal Xilli Somaliland Lagu Kala Qaybsan Yahay La Hadalka Soomaaliya

Muqdisho(SM) Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo ay xidhiidh toos ah lahayeen sanadkii ina dhaafay, waxaanu sheegay inay Somaliland lumisay fursad dahabi ah, taasi oo ahayd inay Madaxweyen Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed  oo wada socdaa yimaadaa Magaalada Hargeysa bishii Maaraj ee ina dhaaftay, balse ay Dowlada Somaliland diiday dalabkoodii ahaa inay yimadaan Hargeysa.

Ku-xigeenka Raysal Wasaaraha Somaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidaas ku sheegay Wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Telefishinka Goobjoog ,isagoo sheegay inay wadda hadalada Somaliland iyo Somaaliya ay Dowlada Fadaraalka Somaaliya ahmiyad weyn siinayso , waxaanu hadalkiisa ku bilaabau sidan “Ugu Horeyn wada hadallada Somaliland iyo Dowladda Fadaraalka Somaaliya waxa ay ka mid tahay qodobada ugu waa weyn ee ahmiyadda u leh guud ahaan Qaranka Somaaliyeed gaar ahaan waajibku uu naga saaran yahay , weliba anniga iyo masuuliyiinta kasoo jeeda Somaliland ee kamid ah golaha shacabka ee kamid ah aqalka Sarre ee Xukuumaddda ku jira wuxuu joogitaankayagu macno ku fadhiyaa marka wada hadal midho dhal ah ay jiraan oo dhexmaraya Dowlada Fadaraalka iyo Somaliland .”

Raysal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed  ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisu ay balan-qaadeen dar-dar-gelinta wadda hadalada Somaliland iyo Somaaliya ,isagoo sidoo kalene xusay inuu xidhiidh toos u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi.“Markii Madaxweyne Farmaajo la doortay wax yaabihi ugu horeeyey ee uu balan-qaaday ee Xukuumadduna balan-qaaday oo qayb kamid ah ahayd Barmaamijka Xukuumadda waxa weeyaan in la dar-dargeliyo lagana midho dhaliyo wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya , ku talagalkayagu waa halkiisii waxa jirtay inay Xidhiidh toos ah ay lahayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi .’” Ayuu yidhi Mahdi Maxamed Guuleed

Dhanka kale ku-xigeenka Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday aanay Soomaaliya kala jeclayn saddex-da Xisbi ka ku guulaystay, isla markaana aanu jirin mid ay si gaar ah iyo si hoose u taageersanayeen saddex-daa xisbi “Markii la doortay Madaxweynaha ”Soomaaliya” kadib waxa jira Doorasho ay ku mashquulsanayd Somaliland, annagana aragtidayadu waxay ahayd saddex-da Xisbi ee KULMIYE,UCID Iyo WADDANI kii la doortaba in aanu la shaqayno la sii amba qaadno wada hadaladii hore u socday mid aanu gaar u taageersanay ama aanu niyada ka rabnay ma jiro , waxaanu ka turjumayna oo aanu sugayna rabitaanka Shacbiga reer Somaliland cidi madax iyo masuuliyiin ay uu doortaana in aanu la shaqayno.”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi markii kursiga loo doortay ay xidhiidh fiican wada hadalo toos ah u dhexmaray  Madaxweyne Farmaajo, kuwaa oo socday ilaa sanadkii ina dhaafay, waxaanu xusay inay ku balameen inay Jabuuti ku kulmaan,taasi oo aan suurtagelin “Markii Madaxweynaha Somaliland la doortay Muuse Biixi Madaxweyne Farmaajo waa wada hadleen ilaa bishii Maaraj 2018 xidhiidh fiican oo wada hadal ah ayaa ka dhexeeyay oo ay ka wada arrin sanayeen sidii loo anba qaadi lahaa Wada hadalada Somaliland iyo Somaaliya ku talagalku wuxuu ahaa in la isku arko Jabouti ma ay dhicin waxa haddana soo dhex-galay iyadoo oo halkaa ay marayso shaqaaqadii Tukaraq oo dhiig dad Somaaliyeed uu ku kala daatay , Dowlada dhexe aragtideedu waxay ahayd bal horta in la baajiyo dhiig Somaaliyeed .”Ayuu yidhi

Geesta kakene Raysal Wasaare ku-xigeenka Somaaliya ayaa sheegay inuu diyaar u yahay Madaxweyne Farmaajo inuu Hargeysa kasoo dego, isla markaana uu geed hoostii kula shiro Madaxweyne Biixi si ay wadda haddaladii Somaliland iyo Somaaliya u dhaxeeyey halkaas uga sii anba qadaan “ Madaxweyne Farmaajo wuxuu diyaar u yahay inuu beri Hargeysa ka dego oo uu anba qaado Wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ,Madaxweynaha Muuse Biixi Xaraf kula sheekaysto geed hoostii ay ku shiraan ka wada arrinsadaan maxaa xal inoo ah Soomaali haddii aynu nahay 1960 lixdankii markii ay midnimadu dhalatay ee ay Xamar yimadeen dadka reer Somaliland waxay ahayd dedaal Somaaliyeed oo aanay cid kale gacmaha kula jirin, dedaalkaa in dib loo cusboonaysiiyo oo wada haddaladii dhaqaaqaan annagu diyaar ayaanu u nahay wakhti kasta oo ay munaasab tahayna diyaar ayaanu u nahay , maanta oo aanu Madaxweyne Farmaajo sheekaysanayna waxaanu ka wada hadlaynay arrimaha Somaliland iyo wada hadaladii Somaliland iyo Somaaliya sidii loo dar-dar-gelin lahaa .”

Docda kale Raysal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed ayaa sheegay inay Somaliland lumisay fursad dahabi ahayd, taasi oo ahayd inay Raysal Wasaaraha  Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo wada socdaa ay kasoo degaan Magaalada Hargeysa Bishii Maraaj ee ina dhaaftay haseyeeshee ay Dowlada Somaliland arrintaasi ka biyo diiday “Waxaan kuu sheegayaa inay Somaliland fursad dahabi ah inay dhawaan ay lumisay,taasi oo  ahayd in Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweyne Farmaajo ay rabeen iyagoo wada jir ah oo wada socda inay ka degaan Hargeysa , taasi waxay ahaan lahayd fursad dahabi ah oo ay kula doodaan Madaxweynaha kula doodaan xubin kale oo dal kale ah oo goob-joog ka ahaan lahayd wada hadaladaa saddex- geesoodka ah ee ka dhici lahaa Hargeysa ,arrintaas laakiin markii Madaxweynaha Somaliland iyo maamulku ay wada tashadeen ma ay suurtoobin , ilaa haddana diyaar ayaanu u nahay ama ha noqdo Madaxweyne Farmaajo keligii ama ha noqdo Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya in mar walba aanu tagno.”

Mawqifka Xisbiga Waddani ee Wada Hadalka Somalia

Shir jaraa’id oo Dr Cabdiraxmaan Cirro qabtay 30-kii bishii April wuxuu shuruudo ku xidhay wada hadalka Soomaaliya oo uu sheegay in aanay suuro gal ahayn in xilligan oo aanay bulshada Somaliland gudaha ka midaysnayn lala galo xukuumadda Muqdisho “Dal shacbigiisu marka uu aammino dawladdiisa iyo hay’adihiisa dawladda dhammaan wuxuu u hoggaansama amarrada iyo shuruucda ka soo baxda laakiin, marka uu lumiyo aamminaadda xukuumadda waxa bilaama burburka dalalkaas waanay soo wada mareen (Dunida). Xukuumadda Somaliland iyada oo leh boqolkiiba konton(50%) shacbiga waan ka maarmay oo aan rumays nahay 50%-ka ay tirsanaysaana in aanay maanta kalsooniba ku qabin waxaan qabaa in aanay ahayn wakhtigii ugu haboona ee ay bilaaman wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Xisbi ahaan Anaga oo mabda ahaan ogol in la wada hadlo haddana waxa ka horeeya in aynu gurigeena hagaajino, in aynu shacbiga midayno, in aynu tacadiga, xeer jebinta iyo ku tumashada shuruucda, jidh dilka shacbiga iyo xadhigga ka dayno oo inaga oo midaysan oo shacbigu gudaha ka midaysan yahay ayuu gali kara in uu la hadlo. Marka ay ku haboonaato in wada hadal la galo waxa loo baahan yahay in qorshihii hore iyo istaraatijiyaddii hore wax laga bedelo loona diro dad ka midho dhalin kara, wada hadal kasta oo la galayana waa in ay u dhammaadaan metelayaasha shacbiga oo uu ka mid yahay xisbiga WADDANI,” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro

Xukuumadda Madaxweyne Biixi Miyay Jawaab U Wayday Eedaha Culus Ee Ismaaciil Yare, Xirsi Iyo Xil Xuseen Axmed Caydiid?

Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil yare), Hoggaamiye Xirsi Cali X Xasan iyo Xildhibaan Xuseen  Axmed Caydiid ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen Axaddii waxay dhalliilo xooggan ugu jeediyeen xukuumadda madaxweyne Biixi. Siyaasiyiintan miisaanka leh ee xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, caddaaladda, ammaanka iyo arrimo kale waxaana dhalliishooda jawaab aan khusayn arrimaha ay ka hadleen ka bixiyay wasiirka gaadiidka Cabdillaahi Abokor.

Ismaaciil Yare oo wakhti dheer soo ahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa u jawaabay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ku dhalliilay hadal nuxurkiisu ahaa in saraakiil lagu dilay gobolka Sanaag dhawr cisho gurmad dalbanayeen laakiin, aan loo gurman waxaanu Ismaaciil Yare sheegay in fahansan yahay in cabashada saraakiishaasi soo gaadhay wasiir Maxamed Kaahin ka hor intii aan la layn.

Marka uu Kaahin leeyahay anigu ma ogi nimankii saraakiisha ahaa ee uu ka dhiganayo shaqo iyo magac waa beentiisa isaga Cirro been ka sheegayee waa beentiisa aniga caddaynaya in ay beentiisa tahay sideed ku caddaynaysa dhaha? Waa wasiirka Daakhiliga, subax walba wuxuu helaa warsaxaafadeed la soo diro oo gobollada waxa ka taaggan ah, subax walba wuu helaya gobollada dhibaatada ka taaggan, wuu helay ninka xidhan ee lagu xidhay Khamri uu soo gelin jiray ee la xidhay wuu haya warkiisa oo way u soo direen, dhibaato in ay askartii saraakiisha ahayd cabanayso oo dhibi jirtana wuu haysta oo iyada oo qoraal ah ayaa loo qoray waa beentiisa ee wuu la socda, ta labaad sarkaalka Asluubta ah, sarkaalka Booliska ah, sarkaalka Militariga ah iyo shacabkaba nabadgalyadooda isaga loo dhaariyay oo ka masuul ah haddii uu ogaan waayana isaga ayay nasiib darro ku tahay,” sidaas ayuu yidhi Ismaaciil Yare oo ku dooday in aanay masuuliyadda saraakiisha la laayay sidaas kaga baydhayn wasiir Kaahin.

Sida oo kale Xil Xuseen Axmed Caydiid oo ka hadlay khilaafka doorashooyinku wuxuu soo bandhigay qodob sharci oo sheegaya in ay doorasho guud ama doorasho Qaran tahay tan ay saddex xisbi ku tartamaan in laba xisbi tartamaana sharciga khilaafsan tahay  “ In uu xeerka khilaafsan yahayna qodob ayaa inoo sheegaya, xeerka lambar 14 qodobkiisa 1-aad ee eray bixinta haddii aad akhridaan qeexidda waxa la yidhaahdo doorasho Qaran oo farqadda 10-aad ku xusan waxay leedahay doorasho Qaran maxaa loola jeeda? Waxa loola jeeda ‘doorashooyinka guud ee ay ku tartamaan saddexda xisbi Qaran. Haddii ay saddexda xisbi ku tartami waayaan doorashadaasi doorasho guudna maaha, tu Qaranna maaha iyaga magac ula bixi doona dee waxay ku sheegayaan marka halka aan ka leeyahay waa ambad oo waa riyo taas weeye,” ayuu yidhi Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo si weyn u dhalliilay qorshaha Kulmiye iyo UCID ku dhaqdhaqaajinayaan doorasho laba xisbi ah.

Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan ayaa xukuumadda ku dhalliilay xadhigga Maxamed Sidiiq Dhamme guddoomiyaha garabka dhallinyarada xisbiga WADDANI oo xukuumaddu u xidhay qoraal uu kaga soo horjeeday xaaladda degdegga ah ee qaybo ka mid ah gobolka Sanaag. Waxa uu Xirsi dhalliilay hannaanka loo maray xadhiggiisa iyo in meel aan habboonayn lagu xidhay oo jidh dil ah.

Waxa uu is barbar dhiggay eedayntii wasiirka warfaafintu u jeediyay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo tan Dhamme “Markii wasiirka warfaafintu hadlayay ee uu lahaa Cirro wuxuu xisbiga u samaystay in uu Qaranka ku dumiyo iyo ninka soo qoray waxaanu diidan nahay oo aanu ka soo horjeedna xukunka degdegga ah in lagu xidho waxaan u arka sharci darro haddii cid la xidhayo kuwa xukuumadda ee sharci darrada ku hadlay soo qabo haddii sharciga loo siman yahay,” ayuu yidhi Mr Xirsi.

Eedahan siyaasiyiinta Waddani ku dhalliileen xukuumadda madaxweyne Biixi waxaa si kooban uga jawaabay wasiirka jidadka iyo gaadiidka Cabdillaahi Abokor Cismaan oo aan marnaba soo hadal qaadin waxa uu ku difaacayo arrimaha ay dhalliileen saddexdan siyaasi laakiin, waxa uu weerar afka ah ku qaaday shakhsiyadda saddexda siyaasi oo uu mid mid u soo qaatay arrimo uu shakhsiyaddooda ku dhalliilayo laakiin, aan sal ku lahayn arrimaha ay ka hadleen.

Xukuumadda ayaan ilaa hadda ka jawaabin saxnaanta arrimaha ay sida weyn u dhalliileen siyaasiyiinta WADDANI. Waxaanay u muuqata in markii u horaysay ay cirka isku shareertay xiisadda mucaaradnimo ee WADDANI iyo xukuumadda Kulmiye kadib markii todobaadkii u dambeeyay wasiirro dhawr ah iyo masuuliyiin sarsare oo WADDANI ah saxaafadda ku yooyootamayeen.

Hase ahaatee ilaa hadda ma jiro wax horumar ah oo laga gaadhay arrimaha doorashooyinka oo muhiim u ah Somaliland kuwaas oo lagu kala aragti fog yahay.

Xukuumadda Oo Boodhadh Ay Magaalada Ku Dhejisay Ugu Jawaabtay Prof Samatar

Hargeysa(Waaberi)  Magaalada Hargeysa waxa lagu dhejiyay boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin sawirrada madaxweynihii hore ee Somaliland AHUN Maxamed X Ibraahin Cigaal iyo Kofi Anan oo soo noqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaana weheliya erayo kooban. Laguma sheegin boodhka sababta keentay in shaaricyada Hargeysa xilligan lagu xardho sawirradan laakiin, waxay u muuqata in xukuumaddu kaga jawaabayso hadallo uu jeediyay Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

Boodhka waxa ku qoran weedho ah “Been ma sheegto taariikhdu, ma bukooto taariikhdu, mana baqato taariikhdu, barta oo barta oo barta,” waxaana lagu muujiyay in sawirku yahay mid lagu qaaday xarunta Qaramada Midodobay September 09, 1999 oo ay halkaasi ku kulmeen Kofi Annan iyo Marxuum Cigaal.

Muxuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar

Prof Samatar oo dabayaaqadii bishii hore qayb ka ahaa dood ku saabsan wada hadalka Somaliland ayaa sheegay in aanay Somaliland qorin taariikhdeeda iyo doodda cad ee ay dunida hor dhigayso waxaanu tusaale u soo qaatay Kofi Annan oo waydiiyay sidii uu Somaliland tafaasiil uga heli lahaa waxaanu Samatar yidhi “Nin ahaan jiray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Afrikaan ahaa oo magaciisa la odhan jiray Kofi Annan anigu jaamacadda aan joogo ayuu arday ka ahaan jiray oo uu ka soo baxay 1959, markii dambena wuxuu noqday boodhka Jaamacadda ninkii ugu magaca weyna, aniga iyo isaguna labadii Afrikaanka ahaa ee jaamacadda joogay ee la garanayay ayaanu noqonay marka waanu isku soo dhawaanay oo waanu sheekaysanay, sanadkii inaga tagay ayuu yimid Jaamacadayda isaga oo 80 jir noqday marka bishii May ee sanadkii hore wuxuu hadal ka jeediyay machad aan madax ka ahaa markii xafladdii dhammaatay ayuu yidhi ‘inagu aynu is raacno oo gooni uga sheekaysano Afrika’ gurigaygii ayaan geeyay dabeedna wuxuu igu yidhi ‘Samatar ka warran Soomaaliya arrimuhu baryahan xaggee bay marayaan’ dabeed waxaan ku idhi ma waxaad sheegaysa Soomaaliyadii hore mise Soomaaliyada imika, hadda mid Somaliland la yidhaa ayaa jirtee? Markaas ayuu yidhi sidee bay u dhacday taasi? Markii aan wixii u macneeyay ayuu yidhi ‘ waa kuwii Ingiriiska xorriyadda ka qaatay 1960 saw maaha’ saan idhi haa, qisadooda halkeen baan ka akhrista ayuu igu yidhi iyo waxay Soomaaliya uga baxeen iyo waxaas oo dhan? Dee waan waayay.”

Arrintan oo si weyn loogu hadal hayo magaalada Hargeysa iyo baraha bulshada ayaa la dhawraya waxa uu kaga jawaabi doono Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ay u muuqato in ay xukuumadda Kulmiye sii kala fogaanayaan.

 

Sucuudiga Oo Ku Soo Biiray Dalalka Danaynaya Dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya

Riyaad(Waaberi) Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku soo biirtay dalalka Geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka ee tar-tanka ugu jira dhex-dhaxaadinta Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaana martigelinta wada hadaladii ugu horeeyey ee dhex-mari lahaa Xukuumadda Farmaajo Iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi.

Tobaadkii hore ayey ahayd markii uu safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat uu booqasho ku yimid dalka Somaliland, kaasi oo kulamo la yeeshay Madaxweyne Muus Biixi iyo Xukuumaddiisa

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo 2-dii bishan May Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Somaliland, ayaa war-murtiyeed ay Maadaxtooyadda Somaliland kasoo saartay kullanka dhex-maray denjiraha Sucuudida u fadhiya Somaliya iyo Madaxweyna Somaliland ku sheegtay mid la isku afgradtay qodobo ay ka mid ahayeen siciid Sucuudigu gacan uga siin lahaa Xukuumadda dadka Abaaruhu Sameeyeen iyo sidii xayiraada xoolaha saaran laga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa.

 

Dhanka kalene waxa xusid mudan in kulan-kaa uu Madaxweyne Biixi qasrigiisa Madaxtooyadda kula yeeshay danjire Dr Mohammed Abdi-kani Khayat aan lagu sheegin in ay ka wada hadleen  in Dowlada sucuudigu ay danaynayso sidii wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya loo soo celin lahaa, isla markaana ay iyadu doonayso inay ku dhexdhaxaadiso.

Geesta Kalene Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay Dowlada Sucuudigu kusoo biirtay dalalka doonaya inay dhex-dhexaadiyaan Somaliland iyo Soomaaliya ee rabba inay martigeliyaan wada hadaladii u dhaxeeyey Hargeysa iyo Muqdhisho, sidaana waxa sheegay Raysal Wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed “Horta runtii waddamada rabba inay Somaliland iyo Soomaaliya dhax-dhaxaadiyaan maanta wey badan yihiin Turkiga, Sucuudi Arabiya,Itoobiya Ereteriya  iyo waddamo kale oo badan .”

 

Prof Samatar Oo Ku Taliyay In Degdeg Wax Looga Qabto Dilka Saraakiisha

Boorama(Waaberi) Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dilkii dhawaan duleedka degmada Yagoori loogu geystay labada Sarkaal, waxaanu sheegay inuu ahaa dil aad u fool xun , isla markaana aan la ilaabi karrin, waxaanu sidoo kalena bar-bar dhigay dhac-dii lagu laayey macalimiinta ee ka dhac-day degmada Dilla.

 

Prof Samater ayaa sidaas ka sheegay khudbad uu ka jeediyey magaalada Boorama Habeen hore waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan “Annigu waxaan qabaa labadaa sarkaal ee tolka ah ee iyaga oo aan wax-ba galabsan shaqadiii Dowlada ee loo diray Gacanta ku haya in la ugaadhsado oo la dilo , dilka caynkaasina dilalka kale wuu ka sii duwan yahay, waayo qof Dowlada ka socda oo sharcigii ku socda oo hawshiisii qabsaday in dad shicib ahi ay goostaan inay dilaan dabateedana ay ka dhabeeyaan waa dilka arrimaha ugu xun ayey kamid tahay.”Ayuu yidhi

Isagoo haddalkiisa siiwata ayuu intaasi ku daray “Horta annigu aad iyo aad ayaan arrintaas uga murugaysanahay, waxa la iloobi karayo inay tahayna ilaama eeka  ee waa wax xusuusta gelaya diiwaan-ka iyo ummadda.”

Dhanka kalene Prof Samater ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay deg deg wax uga qabato arrintaasi isagoo sheegay inay toban indhood ku eegayaan kiis-kaasi iyo halka la mariyo “Waxaan annigu ku talinayaa dilka caynkaas ahi inuu yahay mid deg deg wax looga qabto dadkii waxaas geystayna deg deg loo soo qabto ee aanay wareegin aanay wareegin hore ayey noo soo martay dad tolka ah oo lagu laayey magaalada Dilla duleedkeeda oo iska wareegtay iska wareegtay arrintaasu “mar idage alle ha dago mar labaad idage annaa is dagay” mar dambe ma yeelayno, annagoo toban indhood leh ayaan ku eegayna dacwadaasi halka ay marto waan ku eegaynaa .”

Please follow and like us: