Taariikh nololeedkii Wasiirkii hore Arrrimaha dibada Soomaaliya Marxuum Xuseen Ceelaabe: by Axmed Diiriye Ciiltire.

Taariikh nololeedkii Wasiirkii hore Arrrimaha dibada Soomaaliya Marxuum Xuseen Ceelaabe: by Axmed Diiriye Ciiltire.

May 24. 2019 Hargaysa (SM) –Taariikh nololeedkii Wasiirkii hore Arrrimaha dibada Soomaaliya Marxuum Xuseen Ceelaabe: by Axmed Diiriye Ciiltire.

Allaha ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Soomaaliya Prof. Xuseen Ceelaabe Faahiye Waxa uu ku dhashey magaalo taariikheeda faca wayn ee Saylac, taariikhdu markii ay ahayd 1930kii, isla halkaasi ayuu ku bartay quraanka Kariimka ah illaa dugsi hoose. Kadib waxa uu uga gudbay dhinaca magaalada Borama oo dugsigii Britishka ee Camuuud ka galay, illaa uu sannadkii 1964kii shahaadada Mastarta ka qaatay jaamicadda Boston ee waddanka MARAYKANKA, isaga oo ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha iyo maamulka, waana maaddadii uu ka bixin jiray jaamicaddii Ummadda ee Soomaaliya, xilliyadii uu ahaa Agaasimaha guud ee Qorshaynta, marka laga yimaad cilmiga Tirokoobka (Statistics) oo aan xilligaa Soomaali ahaan cidiba aqoon.
Ceeelaabe waxa uu ka mid aha dhallinyartii adeegga madaniga ah ee qarankii Soomaaliya ka mid noqotay xilligii madaxwayne Aaadan Cadde, ilaa burburkii dawladdii kacaaankana waxa uu xilal kala duwwan ka soo qabtay wasaaradda Qorshaynta qaranka oo uu ka gaadhay heer wasiir.

karti iyo daacadnimo
Prof. Ceelaabe waxa uu ku suntanaa daacadnimo, aqoon yahannimo, hawlkarnimo iyo weliba masxkax qeyr caadi ah oo dhinaca keydinta iyo xafidka ah, waxana lagu tilmaami jiray qaamuuska ama maskaxda keydinta qaranka Soomaaliyeed.
Xubno la soo shaqeeyay oo kala duwan ayaa sheegay in illaa maanta isaga la waydiin jiray heshiis kasta oo ay Soomaliya gashay iyo faahfaahintiisa, oo uu isagu qaranka keyd lugaynaya u ahaa, isalamarkaana uu xafidsanaaa tafaasiil lambarro wadata oo aan bin aadmi weelayn karayn.
Shirkii Carta
Marxuum Ceeelaabe waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb galay shirkii Carta ee waddanka Jabuuti lagu qabtay sannadkii 2000, wuxuuna u tartamay jagada madaxnimada , haseeyeeshee kumuu guulaysan. Kadibna waxa uu noqday wasiirkii qorshaynta qaranka ee dawladdii madaxwayne Cabdiqaasim Salaad.

Xilal wasiirnimo
Xililaka wasiirnimo ee uu Marxuumku soo qabtay xilliyadii dawladihii kumeelgaadhka ahaa ee Soomaaliya waxa ka mid ahaa: Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Qorshaynta qaranka, Xanaannada xoolaha, dibudejinta, iyo qaar kale.
Marxuum Xuseen Ceelaabe, oo lagu tilaamay shakhsi xalaal miirad ah, ayaa la sheegay in guryuhuu Xamar ku lahaa dhammaantood aan la burburin loona ilaaliyey, ilaa imikana ay dhisanyiin, iyada oo weliba la sheegay inuu qaxii kadib ku laabtay Muqdisho iyada oo ay xattaa sariirtiisii sidii uu kaga tegay u habaysantahay oo aan la bililiqaysan.
Khabiir bulshaawi ah
Xuseen Ceelaabe waxyaabaha lagu xusuusto wax aka mid ah, inuu wasiir kasta oo cusub u furi jiray tababar dhinaca maaraynta ah, maadaama ay meesha ka baxeen hay`adihii tababrka qarnku.
Sidoo kale wuxuu ahaa qof mutawaadic ah oo bulshada caadiga ah si wayn ugu xidhan.
Wariye Axmed Diirye Ciiltire
Boorama /Awdal
Soomaaliland
Contact 0634455310
Ciiltire4455@gmail.com