War Deg Deg Ah:-Fadhigii Loo Balansanaa Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Baaqday Iyo Sababta Keentay.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ fadhigii loo balansanaa in xildhibaanada baarlamaanka somaliland ay markale ka yeeshaan xeerkii uu madaxweyne Muuse Biixi ku soo rogay xaalada deg dega ah ayaa baaqday.

Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada ayaa Hadhwanaagnews u xaqiijiyey in la soo gaadhsiiyey fariin ku saabsan inuu baaqday fadhigii baarlamaanka ee maalinta sabtida ah loo balansanaa.

Sidoo kale xildhibaan ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in lagu wargeliyey xildhibaanada labada gole ay sii wataan fasaxii caadiga ahaa ee ay ku jiraan kaas oo mudadiisu ahayd laba bilood oo xidhiidh ah.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale Hadhwanaagnews u sheegay inaanay taageersanayn talaabada lagaga noqday fadhigii ay mar kale ka yeelan lahaayeen xeerkii uu madaxweyne Muuse xaalada deg dega ah ku galiyey deegaanada ka tirsan gobolka Sanaag, waxaanu sheegay inay bari iman doonaan xarunta baarlamaanka isla markaana ay soo bandhigi doonaan aragtidooda.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ilaa hada ku dhalisay shirgudoonka baarlamaanka somaliland inay baajiyaan fadhigii ay xildhibaanadu u balansanayeen inay yeeshaan maalinta sabtida ah.

Dhinaca kale waxa su,aalo layska waydiinayaa qaabka uu u dhaqan geli doono xeerkii uu madaxweyne Muuse Biixi xaalada deg dega ah ku galiyey deegaanada gobolka Sanaag maadaama oo aanu ilaa hada helin kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka.