Weftigii Xukuumada Soomaliland Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Dhaqaale U Balan Qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Weftigii ka socday xukuumada somaliland ee uu hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed lana socday Eng Faysal Cali Waraabe oo mudo dheer hayey xisbiga Ucid.

Weftigan ka socday somaliland iyo Faysal Cali Waraabe ayaa si qarsoodi ah magaalada Nairobi ugula kulmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah gudoomiyaha ururka Waddajir ee soomaaliya.

Gudoomiyaha ururka Waddajir ee soomaaliya ayaa ah mucaarid si adag uga soo horjeeda dawlada Farmaajo, iyada oo ururkiisu Waddajirna uu si weyn u aaminsan yahay midnimada soomaaliya inay tahay muqadas lama taabtaan ah.

Magaca Ururkiisa Waddajir ayaa ka dhigan in dalkii laysku odhan jiray soomaaliya uu yahay mid wadda jira oo aan si naba u kala go’i Karin.

Sida ay sheegayaan warar ay Hadhwanaagnews ka heshay kulanka weftiga xukuumada somaliland iyo Faysal Cali Waraabe la yeesheen gudoomiyaha ururka Waddajir ee soomaaliya ayaa waxay u u balanqaadeen taageero dhaqaale oo ay soo siiyaan si uu u sii adkeeyo mucaaridada uu kaga horjeedo madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale weftiga somaliland iyo Faysal Cali Waraabe ee la kulmay hogaamiyaha Ururka Waddajir ee soomaaliya waxa kale oo ay u balanqaadeen inay xidhiidh u samayn doonaan dalka Imaaraadka si uu uga helo dhaqaale uu kaga hortago madaxweyne Farmaajo iyo dawladiisa.

Dhinaca kale kulanka ay weftiga xukuumada somalilland iyo Faysal Cali Waraabe la qaateen gudoomiyaha ururka Waddajir ee soomaaliya ayaa ah mid ka hor imanaya sharciga somaliland iyaga oo ku xad gudbtay dastuurka maadaama ay la kulmeen siyaasi aaminsan midnimada soomaaliya isla markaana ka soo horjeeda qadiyada madax banaanida somaliland.

Dhaqaalaha ay weftiga somaliland iyo Faysal Cali Waraabe u balanqaadeen inay la garab istaagaan gudoomiyaha Ururka Waddajir ee soomaaliya ayaa ah cashuurta laga qaado dadka danyarta ah ee reer somaliland kuwaas oo u baahan in wax loogu qabto gaar ahaan wadooyinka, caafimaadka iyo waxbarashada oo ah kuwo aad u liita isla markaana ay shacabka u dheer tahay abaaro iyo fakhri sababtay gaajada dad tiro badan.

Si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa iswaydiinaya sababta dhaqaalaha shacabka danyarta ah laga soo ururiyo loogu taageerayo siyaasi aaminsan midnimada soomaaliya.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaan ilaa hada dhiniciisa ka hadal talaabada sharci jabinta ah ee ay ku kaceen masuuliyiinta ka tirsan xukuumada iyo Faysal Cali Waraabe.

Isku soo wada duuboo waxa shacabku si weyn isha ugu hayn doonaan sida ay xukuumada somaliland iyo Faysal Cali Waraabe u fuliyaan balamaha ay la soo galeen gudoomiyaha xisbiga Waddajir ee soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.