Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Xadhiga Gudoomiyaha Dhalinyarada Xisbiga Waddani Maxamed sadiiq dhame waxaa shalay loo gudbiyey 8-da hayadood ee udooda xuquuqal insaanka. Fidhinle UK.

CANBAARAYN XADHIGA Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani

Aniga oo ka shidaal-qaadanaaya xeerarka Caalamiga ah ee Xaquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ee dhaqan galay sanadkii 10.12. 1948 gaar ahaan qodobada 1,2,3,5,7,9,10,11,13 faqradaha 1 & 2; sidoo kale qodobada 18,19, iyo 20.

Iniga oo ka duulaya Axdiga Xuquuqda Aadamaha dadyowga Midowga Afrika ee dhaqan galay 21.10.1986, gaar ahaan qodoboda 2,3,4,5,6,7,8,9,10,11, 12.

Inigoo isna tixraacaya Axdiga Xuquuqda Aadamaha ee Midowga Yurub ee dhaqan galay 1.6.2010, gaar ahaa qodobadiisa 3,5, 6-faqradaha1,2,3 xarfaha A,b,c, d & e, qodobka 7-aad faqradaha 1 & 2; qodobka 9-aad faqradaha 1&2; qodobka 10-aad faqradaha 1&2; qodobka 11-aad faqradaha 1& 2.

Aniga si gaar ah u qaderinaaya sida uu qeexayo Dastuurka Jamjuuriyadda Somaliland, Cutubkiisa Seddexaad qodobada 21-aad iyo 36-aad ee tilmaamaya Xuquuqda iyo Waajibaadka Muwaadinka ee lama taab taanka ah.

Dhammaan qodobada kor ku xusan ee ay kow ka yahiin Xeerarka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay, Axdiga Xuquuqda Aadamaha ee Dadyowga Midowga Afrika, Axdiga Xuquuqda Aadamaha Midowga Yurub, iyo qodobada 21-36 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxay gebi ahaantood sid cad u qeexayaan xasaanada iyo xuquuda Bani-aadamka. Xuquuqda Aadamaha ayaa u qaybsan laba qaybood oo kala ah:

1- Mid Ilaahay aadamaha gaar u siiyey sida ku noolaanshaha xornimada iyo nabadgelya shakhsiga
2- Qayb ka dhalatay horumarka iyo ilbaxnimada uu aadamuhu horseedka ka yahay sida:

Xoriyadda hadalka
Cabdiridda Xoriyadda fikirka
Xoriyadda dhaqdhaqaaqa
Xoriyadda Caqiida ama diinta
Xoriyadda ka mid noqoshada ururada siyaasadeed, ganacsi, aqooneed, xirfadeed iwm
Xoriyadda ka qaybgalka ururada horumarinta bulshada
Xoriyadda cod-bixinta oo shakhsiga la doorankaro isna wax dooran karo.

Waxaa dhamaan xeerarkan aan kor ku sheegay ka wada digayaan in aan sinaba qofka Bani aaadamka ah loogula dhaqmi karin sifo ka baxsan xeerarka caalamiga iyo shuruucda Dastuurka qaranka. haddii aan maxkamad sharci ah horteeda loogu cadeyn fal-dambiyeed uu ciqaab iyo xadhig ku mutaysan karo.

Sidaa marka xaalku yahay waxa qawaaniinta caalamka ka reeban in lagu xad-gudbo xuquuqda shakhsiga taas oo ay xaaraan tahay in aan awood dowladeed iyo mid ciidan, aan qofna xoriyadiisa looga xayuubin karin, xabsina loogu ridi karin gaar ahaan Gudoomiye xisbi qaran oo xasaanadiisa wata oo aan la qaban isaga oo denbi faraha kula jira.

Waxaa xukuumadda cod dheer loogu sheegayaa in Gudoomiye Moxamed dhame xoriyadiisa si deg deg ah ugu soo celiso. Sida xukuumadda talada haysaa jejceshahay Xisbiyada mucaaridka laguma sandulayn karo. Waxaanu maanta magaca muwaadinka u gudbinay dhamaan haydaha udooda xuquuqul insaanka ee wadanka ingiriiska ka hawlgala ku waas su’aalo ka waydiin doona Xadhigiisa Xukuumada dhawaan. waxaana ka mid ah hayadahaas kuwan hoose:

1- Amnesty International. …
2-Bail for Immigration Detainees. …
3-Campaign for Freedom of Information. …
4-Charter 88. …
5-Electronic Frontier Foundation. …
6-European Human Rights Centre (EHRC) …
7-Human Rights Watch. …
8- Islamic Human Rights Commission
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Please follow and like us: