Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in aan meel laga arag bishii Ramadaan, waxaanu shaaciyey in la dhammaynayo 30ka Bishan Shabcaan 1440ka

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo caawa u warramay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), Wuxuu sheegay in curashada bisha Ramadaan aan caawa Jamhuuriyadda Somaliland meelna laga arag, sidaas darteed bisha Shabcaan ay 30 tahay, isla markaana habeen dambe oo Isniin ah ay Bisha Barakaysan ee Ramadaan Kow noqonayso la soomi doono.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed wuxuu dadweynaha reer Somaliland ugu hambalyeeyey bisha Barakaysan ee Ramadaan oo uu u soo jeediyey in laga faa’iidaysto Fadliga Bisha Ramadaan isla markaana la badiyo acmaasha khayrka leh si EEBE innoogu dambi dhaafo.