Xuska maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May oo si ballaadhan looga dabbaal-degay Finland iyo Danjire Saamiya Muuse oo Ka Hadashay

 

Helsinki (SalaanMedia)- Munaasibad lagu xusayey maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu qabtay magaalada Helsinki ee dalka Finland, ayey ka qaybgaleen Jaaliyadda Somaliland ee dalkaas ka sokow Musharrixiin, Mudanayaal iyo Siyaasiyiinta dalkaas xubno ka tirsan iyo weliba Jaaliyadda reer Ciraaq ee dalkaas ku dhaqan, sida ay sheegtay Safiirka Somaliland u fadhida Finland Saamiya Muuse.

Munaasibadda oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Somaliland ee dalka Finland oo ay hoggaaminayso Danjire Saamiya Muuse oo sheegtay inay farxad iyo sharaf u tahay qaabka loogala qaybgalay dadka reer Somaliland ee Finland xuska maalinta qarannimadooda ee 18-ka may oo ay sii qabteen habeen-hore amma kawdii Ramadaan, waxaana sababta ay u soo qaddimeen ay ku sheegtay iyadoo dalkaas looga diyaar-garoobayo Doorashada Baarlamaanka Yurub, iyadoo Xisbiga talada dalkaas haya u xushay Saamiya Muuse inay u metesho isla markaana ka mid noqoto Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka Yurub u qaabilsan xisbigeeda, taas oo 26 May qabsoomi doonta. 

 

Munaasibadda waxa si weyn uga qayb-galay oo shiday Fannaaniin kala duwan oo Rag iyo Dumarba leh oo Heeso waddani ah ku soo badhigay xafladdaas.

 

Qoraal ay Wakiilka Somaliland ee Finland Saamiya Muuse soo gaadhsiisay Warbaahinta oo ay kaga hadashay munaasibaddaas dadkii kala qaybgalay oo ay si weyn ugu mahad-celisay, ayaa u dhignaa isdatan:-

“Waxaa sharaf weyn noo ahayed in nagala soo qayeb galeen Xubnaha u sharraxan Xildhibaannada Golaha Barlamaanka Midawga Europe (EU) ee doorashada dhici doonta 26 May 2019, Mudane Pekka Shemeikka o ah diplomacy sare oo ka tirsan sanduuqa Guddiga Caalamiga ah ee SDWG Pekka Shemeikka, Marwo Jaana Ylitalo o ah Agaasimaha Guud ee wadajirka ah ee PAM Association of Industries iyo Xildhibaanadda Golaha Degaanka ee Espoo Habiiba Ali.

 

Waxaan dhammaan ugu mahadnaqayaa dadkii ka soo qayebgalay xuska 18 May, Haween, Odayaal, dhalinyaro iyo jaaliyadda Iraq ee magaalada Helsinki ee dalka Finland, waxaanan dhammaan leeyahay qof kasta o garab iyo taageero igu siiyay BEERKA KA OGSOONI. Midnimo Walaalnimo Gobonimo Somaliland.

 

Waxa xusid mudan inaan ku guulaystay inaan ka sii mid noqdo guddiga doorashooyinka Baarlamaanka Yurub ee dhici doonta 26-ka May oo aan u metelayo xisbiga haya talada Finland, iyagoo aniga ii aqoonsaday xubin firfircoon oo hawlaha xisbiga qayb ka ah.

 

Xisbiga talada haya ee Finland ee hawshaas ii xil-saartayna waxa uu danaynayaa inay xidhiidh la yeeshaan Somaliland,” Sidaa ayey qoraalkeeda ku tidhi Saamiya.

 

Dhanka Kale, Munaasibaddaasi sidii ay u dhacday, hadalladii iyo suugaantii lagu soo bandhigay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-