Abwaan Sangub Oo Goor Dhaweyd Geeriyoodey

Hargaysa (Salaanmedia.com) Allaha unaxariistee waxaa dalka Itoobiya, gaar ahaan Magaalada Addis Ababa ku geeriyooday Abwaankii Soomaaliyeed Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub.

Sangub ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Addis Ababa, halkaasi oo loo geeyay daryeel Caafimaad, balse saaka ayuu geeriyooday sida qaar ka mid ah eheladiisa ay xaqiijiyeen.

Allaha u naxariistee Abwaan Sangub ayaa taariiq fog ku dhex leh Bulshada Somaliyed, isaga oo sameeyay ruwaayado badan oo dalka & dadka waxtar badan u leh.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa sanadkii 1944 waxa uu ku dhashay deegaan ka mid ah Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,waxana fanka uu ku bilaabay isagoo aad u da’ yar.

Shacabka Somaliyed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Abwaan Sangub oo saaka geeriyooday.