Af-kaagoo Ku Xidha, Oon Ku Sii Dayn, Alla Goo Baa La Yidhaahaa ( Abdi-Shootaly).

Af-kaagoo Ku Xidha, Oon Ku Sii Dayn, Alla Goo Baa La Yidhaahaa ( Abdi-Shootaly).

Qofku inkastuu is yeel-yeelo, oo is yidhaaho shaadh kale u soo gasho ummadda, sidda jirji-roolaha kolba midab isu yeel, yaan lagaa garan, oo wax aanad ahayn iska dhig, weji kii aad lahayd ka duwan la soo bax, oo sumcad beena samayso, si kaste oo uu is yidhaaho booga-haaga qari iyo waxa aad tahay yaan la ogaane, oo dafir sawirka shakhsi-nimadiisu ay tilmaamayso ama dambabas oo go’ kale huwo aan lagugu aqoonin, in yar bay taasi u shaqaysaa aan sii badnayn, aakhirka-se way soo gabtaa, oo xagga samadda baa rabbi ka kashifaa, waxana uu hoos yimaadaa cadceedda oo duhur ah, isaga oo qaawan iskana xayday maraddii, banaan taagan buu is arkaa, wixii uu is lahaa ded-na, uu af-kiisu hayn kari waayey, sheegaayana ceeb-tiisa. ilayn qofka dib loo abuuri-maayo’e, iyadda oo aan meel kale looga iman, cid sheegtay-na aanay jirin buu mino isku qarxiyaa isaga laf-tiisu, sidda askarigan la yidhaaho ” Raggii Ma Adigaa Ka Hadhay” wax uu galgasho-ba, hadba ciiro aan qarinayn uu is yidhaaho dhgex qaad-ba, wuxu ku dambeeyaa sheekaddii ahayd ” Daahir Yaa Shamis” taas oo banka keenta obocdiisa, goor aanu wax-ba ka qaban Karin, iyadaana is shaacisa, oo is faafisa, meel walbana sidda tv-yadda iyo idaacaddii BBc-da iska sii daysa, waxa hadaba sidaas saaka ka dhigan askariga Guriiggii Moorgan ee Loo yaqaan Xaaf-tooyadda, ka dhex botoriya, siddii ruux ka boodaaya ciyaartii la odhan jirey ” Geblo-shimbirta” magaca khiyaaliga ahna isku sheega ( Waa Mujaahide).

Allay-lehe, hadaa qorax-ddii dul timi, oo si aan muran iyo madmadaw ku jirin, dabadda ugu xayday, wixii biyaha hoos-toodda laga waday, waxa weeye, haduu askarigii uu si wacan isugu sii dhamooqay waqdiisii, bal daya waxa ka soo yeedhay, oo ah wixii uu qarsanaayey, oo rabbi ka dhawaajiyey, oofa-hana ka dilaaciyey, maantana muxuu ku hadli doonaa, isaggii baa is toog-taye, mudo badan baan halkan aniga iyo dad kaloo ciidaas camaaray ahi, ay idiinka sheegayeen, Dagaalka Ceel-af-weyn, Maamulka askariga baa u aabo ah, Isaga laf-tiisa baana colaadda H.Jeclo Iyo H.Yoonis abuura, si uu uga faa’iidaysto, tii baanu cadeeyey, ee waa tane iga hooya, iyadda oo af-kiisa ka soo yeedhay Askariga Hargaysa jooga, kuna sheegay in uu ka war qabo, qaabka loo hago dagaalka, waana tan ee miyaa muran ka joogaa. Waxa la yidhi ” Mayd yaa u dambeeyey iyo kaas la sii sido’e, waa tan xaqiiqddii. Sidda aad ula socotaan-ba, Askariga ” Raggii ma adigaa ka hadhay Iyo Geenyoi shaaximani” Waxa ay si badheedh ah, oo wadda jir ah u cadeeyeen , in ay colaadda H.Jeclo iyo H.yoonis iyaka yihiin taayiradda ay ku socoto, wadaana oo hore iyo diba ay ka dambeeyaan. Waxana aanu shaki ku jirin in ay iyaku isku diraan. Askariga meesha ka doobyaaya siddii awr gulaan ah, Isaga oo u jawaabaaya Kud-Madaw ( waxad u taqaan Buur-madawe), baa waxa uu af-buuxa ku yidhi “Colaadda Ka taagan Ceel-Af-Weyn” Waxa telefoonka ku haga Kud-Madaw ( waa buur-madawe) isaga oo Jooga Imaaraadka. Waxa  ereyadaas ku jira, oo uu micna-heedu yahay, isku dir uu sii abuuraayo colaad hor leh, iyo kala shaki labadda beelood ah, taas oo ah, ka dhex faa’iidayso, oo yaanay weligood ka tashan aaya-hoodda iyo danaha Gobola-doodda Bari.

Somalidu hore bay uga maah-maah-day dadka cayn-kaas ah ( Waa sidda askari-gane) oo ay tidhi Af-kaagoo ku xidha, oon ku sii dayn, Alla goo baa la yidhaah-daaye” Waxa akhristaw, askariga imika looga fadhiyaa, in uu cadeeyo arimaha uu ka sheegay Kud-madaw (Buur-Madaw) ee uu yidhi telefoon buu hawlaha colaadda ” Ceel-Af-Weyn” uu ku kala wadaa, amuurtani maaha mid la dhayalsan karo, Colaad hor leh-na way abuuri kartaa iyo fidmo aan damin, waana sidda uu ku tallo galay, mana dafiri karo, oo af-kiisa baad ka wadda maqlayseen. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, waa taas oo waa cadaan in la idinku dhex jiro, oo Haragysa laga hago xumaanta, la idinku sii kala fogeeyo, markhaatina waad ka tihiin. Sidaas awgeed, waxa idinku waajib ah, Laba-diina beelood-ba in aad wadda jir ku tidhaahaan, askariga soo cadee oo meel ha fadhiisiyo, wuxuu la hadaaqay iyo nac-nac-dda uu la butaacay, waayo wuxu ula kas iyo maan ugu kacay in uu iska hor-keeno Labadan beelood, hore-na uu dabadda uga waday isaga iyo Geenyo shaaximan, oo uu ku shaqaystaa, malaha qaar baa weli sidaas ugu sii sacab tumaayee ( ka soo jeedda kuwuu isku diraayo’e). Waa in uu askarigan waalani sharaxaa, uu cadayn-teedda keenaa, ilayn waabu sheegaye, waxa-se aan idiin sii sheegayaa, waa colaad uu idin dhex dhigaayo hadda, oo cusub iyo ibtilo hor leh, taas oo uu idinku sii kala fogay-naayo, iyo in aad ka hadhaan inta kale ee Goboladda galbeedka ( Saddex-ddii Biriij ee burco-ba way jabeen). Horuu u yidhi ” Bari Nin aqoon lihi kama kicin, kumana hadhin ama garasho loo daba fadhiistaa”, oo ishiina buu ka arkay. Waxa kale oo laga hayaa”Kuwii geela kala dhici jirey, ee is dili jirey, iyaka baa dad maanta ugu liita”  waxa kaluu yidhi Gebeley waxa ka foodda 62% dadka ku nool Somaliland, Gobolka Hawd 4%, Salal 2%, Awdal 14%, isku darka Goboladda Barina 18% oo ka kooban ( Tog-dheer, Sool, Sanaag, Saraar, Oodweyne, iyo Buuhoodle). Muwaadin dhegihii ilaah waaniyaa waansane, ee kani waa dameer sayax daaqay iyo kibirkii dherga ee uu la danaaniyi jirey.

* N.B Sac Wuxuu La ciyaa ama La Aamusnaa-daaba, Waa Bacaac!Qore:- Abdi-shotaly.