Fadeexado ka soo baxay Premier Bank oo soo gebo-gabeeyey Mashruuc Dhalinyarada Fekerkooda & Maskaxdooda lagu Dhuuqay iyo Qaabka loo maamulay

Hargeysa (SalaanMedia)- Baanka Premier Bank oo ka mid ah Bangiyada Madaxa-bannaan ee ka hawl-gala Somaliland, ayaa caawa soo geba-gebeeyay mawduuc loo bixiyay ‘Hal-abuurka Ganacsiga ee Ardayda Jaamacaddaha Somaliland’, kaasoo ay ka qaybgaleen Tobanaan dhalinyaro ah oo danaynayey barnaamijka.

 

In ka badan 40 dhalinyarada Jaamacddaha dalka waxa ka qaybgalay tartankaa oo lagu bixinayay maalgelin dhan $ 10,000 (Toban kun oo dollar), lacagtaa oo ay sheegeen in la siinayo qofka ku guulaysta fekreda ganacsi ee ay ku qancaan dadka barnaamijkan daadihinayay.

 

Barnaamijkan, ayaa u muuqday mid feker ahaan aad loo soo dhoweeyay, balse waxa markiiba ka dhashay doodo iyo su’aalo la xidhiidha sababta intaas oo dhalinyaro ah oo dabacan shaqo la’aanta ka taagan dalka iyo duruufaha dhaqaale loogaga faa’idaysanayo fekerkooda iyo maskaxahooda ee loo soo dhexdhigay dhalinyarada intaa leeg qadar lacag ah oo aan ka badnayn toban kun oo dollar.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN GUJI ( HALKAN )