Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Fashiliyey Qorshe lagu Xakamaynayey Qishka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dalka iyo Fadeexado soo if-baxay

“Heegan buuxa ayaa lagu jiraa, ciidamada kala duwan way nagala shaqaynayaan ammaanka hadday tahay booliska iyo Sirdoonkuba. Ardayga moobil laga qaado loo soo celin mayo, Ardaygana imtixaanka waa laga kansal-garaynayaa, markaa waxaanu…” Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

 

Hargeysa (SalaanMedia)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa sannadkan u qorshaysay inay gacan bir ah ku qabato khiyaamooyinka iyo Qishka ku yimaadda Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo inta badan la tuhunsan yahay inay telefoonnada gacantu u fududeeyeen, waxaanay wasaaraddu go’aamisay in la hirgeliyo qalab loo lagu rakibayo goobaha imtixaanka, kaas oo khadka ka saaraya Anteennada Telefoonnada Gacanta.

 

 

Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Wasaaraddu hawshan u xil-saartay inay bulshada u soo bandhigto kuna tartamayaan Mashruuca keenista Qalabka, ayaa daba-yaaqada bishii Ramadaan ee aynu soo dhaafnay shaacisay Shirkad ku guulaysatay fulinta mashruucan oo ay ku kacayso adduun Lacageed oo gaadhaya $130,000 (Boqol iyo Soddon Kun oo Dollar), taas oo laga soo dhex-xushay dhowr shirkadood oo u tartamay Qandaraaska.

 

Kulan Guddigu isugu yeedheen Shirkadda ku guulaystay, shirkadaha laga guulaystay isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, ayaa lagu shaaciyey inay mashruucan u tartameen dhowr shirkadood oo magacyadoodu kala yihiin: TALL-SOM PRINT CO oo soo gudbisay inay qandaraaska ku fulinayso lacag dhan SLSH935,000,000 (Sagaal Boqol, Soddon iyo Shan Milyan Shilinka Somaliland ah), shirkadda PURE TECH oo soo gudbisay $30,000 (Soddon Kun Dollar), SAN MEDICAL SUPPLY oo soo gudbisay inay mashruuca ku fulinayso lacag dhan SLSH935,000,000 (Sagaal Boqol, Soddon iyo Shan Milyan Shilinka Somaliland ah) iyo HORYAAL BUSSINESS oo aan iyadu soo gudbinin Wax Qiimo ah oo mashruuca ku fulinayaan sida ka muuqatay Shaxda Furaha Qandaraaska oo madasha lagu soo bandhigay.

 

Warkan oo faahfaahsan ka akhriso  HALKAN