Ha Is Casilo Askariga Taani ( Abdi-Shotaly).

Ha Is Casilo Askariga Taani ( Abdi-Shotaly).

Illaah ha u naxariistee Abwaan Axmed Ismaaciil diiriye ( ku magac dheeraa Qaasim), Baa tix uu lahaa waxa erya-deedda ka mid ahaa ” Nimaan aabihii maali jirin looma aamino’e, Afar-teedda naas baa lahaa, ubadka deeq-siiye, olol-keedu waa ii baxaa oogta waaberiye, oon iyo haraad waa waxay la alwanay-saaye, waa taa ilmaha loogu xidhay geed adaahiyahe” Allay-lehe intii hore-ba bikh bay ahayde, ee imika baa geedkuu sheegaayey ” Adaahidda” ay ku dabran tahay, oo ay ku miciin la’dahay, akhristaw oo uu sidihii, daba-geliskii ay rarkii celin kari la’yihiin, weliba caynkii iyo baydiiba u go’een. afka madhan bay biyaa ku cabtaaye, ay labaddii askari ee cirka ku faruur xidhanaa, ay ruug walba jebiyeen, waa taa isku hawaarsatay hadeer, siddii hal iyadda oo la fool eryaayo, kurtin ku turuntu-rootay, oo bawdadda baf ka kala tidhi, dabeed halkii lagu qalay, oo nirigtii ay dhashay ee yarayd, la waayey hal kale oo lagu sidko, ka bacdina ilmaha lf-tiisii uu shidhaystay geel-jirihii. Waxan uga socdo aan idiin fasilo’e waa tan ujeedadda aan ka leeyahay.

Askarigga la yidhaaho ” Taani”  awel-ba aqoon iyo cilmi uu leeyahay, laguma siin derajada, meela umuu soo marin, SNM-na wax-ba kamuu ahayn, taariikh uu ku murtay derajadda la iskaga raray-na haba-yaraatee ma jirto, lamana hayo, ee reer hebel iyo waxa aanu is xignaa Askariga ” Raggii ma adigaa ka hadhay” awgeed baa loogu tolay, markaas caleemaha uu isku qurxiyey iyo xidigaha uu iska lulay, wax micna ah kuma fadhiyaan, waa kuwii uu lahaa Cali Maarshaal ” Iska tolataye Macaad Taqaan” markii sidda kan meesha ka bakh-bakh leh oo kale, uu af-weyne xukunka boobay. Somaliland way u dhamaatay, mana jirto hadeer magcaasi meel la yidhaaho, oo aynu odhan karno wuu ka shaqaynayaa, sidana waa loogu tallo galay, awelba meesha askartan jaahiliinta ahi, kumay iman xaq iyo doorsho, ee boobkii ay meesha ku af-duubeen, ee micna-hoodu ahaa aad ka xoogss-teen, bay imi-kana si cad u banbxeen, ilayn maamul iyo sharci qaran mid-na qaar wax ka yaqaana maahee, aqoona mid illaahiya iyo mid kale-ba waad og-tihiin oo waa ka bese, oo waxay ka barteen oo keli ah wax ku urursadda. Dalkii uu kaga tegay Madax-Weyne/Mudane Daahir Riyaale Kaahin kulmiye, isaga oo is raacsan, maanta baa uu ku dambeeyey Tusbax go’ay, oo uu noday Siddii uu sheegaayey,  Mudane Daahir Riyaale, malaha waa loo sii waxyoodaye.

Cadayn-tiina waa tan, hadaad diidan tahay iyo hadaad ogosha-hayba ee ku biyo cab. waxan halkan idiinku soo gudbinayaa inta ciidan iyo qalab-kooddii u galay Puntland, sidda ay cadeen labaaddii Kornayl ee ciidan hor kacaayey, ee ku soo dhawaadda:-

(1) 580 Askari baa ka dareerray Xiin-galool,
(2) 430 askari oo iyana ka baxay Badhan,
(3) 37 baabuurta waaweyn ah, oo ay saaran yihiin qoryihii hawsaradda ahaa ( Big Artillery Guns).
(4) 23 Land cruiser ( 11 badhan ah, iyo 12 Xiin-galool ah).
(5) 1500 oo ah AK 47 Kalashin-koof.
(6) Bee-bee oo meel-ba ay sadeex joogeen ( Xiin-galool iyo Badhan).
(7) Waxa dhamaan is casilay, oo ka xaadiray Maamulka Puntland Shaqaalihii markii hore u joogay maamulka askarta hargaysa ka booto-risa.
(8) Waxa isna si badheedh ah ugu biiray Badhisaabkii Badhan, oo la yidhi weliba siddii hore u hayso meesha, adiga oo ka soo jeedda Puntland. Sidaas awgeed, waa in uu is casilaa Askariga Taani, ee Beel awgeed xilka iyo derejo aanu u qalmin, xeelad-na aan u garanayn lagu raray, kaa soo ah Dameer Malab la saaray muxuu ka yaqaan.

Muwaadi  waxa intaas dheer, oo aan la soo koobi karin sidda ay cadeyeen, askartii Puntland u gashay, Saadka kala duwan oo ciidaas camaaray ah, sidda Miinaddii, Rasaastii iyo qalab kaloo fara badan, kaas oo ay isticmaalaan Ciidamadu. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, maah-maah baa ahayd ” Nin-ba Tacabkii Tallooy Kaa Maal” waa sidaase, Wixii ay ku tashadeen tuugta Somaliland burbur-keedda ka talisay, waa taas faraha kala raacday, Awdal  in yar baa u hadhay, kacdoon baa ay ku jirtaa, dhawaan qarxi doona, Sanaag waa taa aan sare idiinku sheegay halka xaal ka maraayo, Sool iyo buuhoodle awelba faro kumay jirin, intii uu askarigu meesha car-cara-raayey. Gabooye candhuuf-tiisa buu dib uga liqay, oo waxay sugayaan, inta dadka kale kacayaan, iyana wixii lagu sheegi jirey Isaaq, baa isna aan is bixinayn, dib-na u iman mayso, beentii la isku maaweelin jirey ee ahayd Tolaay yaa isaaqaay, ee ka soo maala, waa taas askar wax aanay yihiin jirin idinku ciyaareene.

* N.B Reer Ba’aw Yaa Ku Leh?
Qore:- Abdi-shotaly.