Maayarka Hargeysa oo Sharraxaad ka bixiyey Waxyaabaha uga qabsoomay shir uu kaga qayb-galay Nairobi

Hargeysa (SalaanMedia)- Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa faahfaahin ka bixiyey shir caalami ah oo uu kaga qayb-galay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

 

Md Cabdiraxmaan Soltelco oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Hargeysa, waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa kumanaan ka mid ah madaxda waddamada adduunka oo lagu soo marti-qaaday shirkaas, kuwaas oo uu sheega inay isugu jireen madaxweyneyaal ilaa maayarro.