Madaxweyne Biixi: Kala-badh shacabka Somaliland ma oggola gooni Isu-taagga!

Madaxweyne Biixi: Kala-badh shacabka Somaliland ma oggola gooni Isu-taagga!

Akhriste  cinwaanka maqaalka ha ka didin. Runtii ma aha mid dhegahaaga ku cusub, waadan dhaadin mooyee.

Madaxweynaha Somaliland, Mr Biixi, iyo wasiiradiisu waxay inta badan si qayaxan ugu sayaxaan erayadaas kore. Malihii yaabtaye, fadlan sii akhri qoraalka. 


Waxa bishii May 2019, horaamaheedii, wasiiraada Warfaafinta iyo Gaadiidku ku hurgufeen xisbiga Waddani in uu yahay mid u adeega dano shisheeye, waa Xamare; isla markaana ah qaran dumis, macnhii diiddan gooni isu-taagga Somaliland. 

Khudbaddii madaxweyne Biixi ee 18kii May 2019, wuxu ugu baaqay taageerayaasha xisbiga Waddani, hadalo u dhacaya, in ay 18ka May ka dhigtaan maalintooda, una diray digniinta uu ka soo xigtay heesta tidhaahda, “kuwii ka baydhee, bahdood ka leexday, waa baaba’dooda”.

Madaxweynahu waxa uu si kale u yidhi in taageerayaasha Waddani aanay raacsanayn gooni isu-taagga Somaliland, ilayn haddii kale looma baahdeen baaqaas iyo digniintaase.

Haddii tiraabahaas iyo kuwii la midka ahaa ee xilligii doorashada m/tooyada ee 2017kii loo qaato erayo codka shacabka lagu kala riixanayey, khudbaddii madaxweynaha ee 18kii May 2019 ma doorasho ayaa socotay? Jawaabtu waa maya.

Kol haddii madaxweynaha iyo wasiiradiisu arrinka deyn waayeen oo ay mar walba fagaare la shir imanayaan, waxa laga dheegan karaa muc keliya uun: kala badh shacabka Somaliland way diidan yihiin gooni isu-taagga Somaliland.

Anigu odhan kari maayo m/weynuhu been buu sheegayaa. Xaasha. Waa arrin af-ka-weyn. Sideedaa ha loo qaato.  M/weyne Biixi ayaa inoo sheegay, isaga ayaana inaga xog-ogaalsan. 

Maxaa loo labo-canlaynayaa oo carrabna shacabka loogu sheegayaa (qaarkeen baa diidan gooni isu-taaggga), carrab kale-na beesha caalamka (hal diiddan ah ma leh gooni-isu-taaggu)? Hadal waa run-kama-rays, runtiina m/weynaha ayaa inoo sheegay.

Runtu waxay taalaa ta madaxweynaha Somaliland, Mr Biixi, iyo wasiiradiisa ku celceliyaaan: xisbiga Waddani iyo taagerayaashiisu Xamar bay la haystaan; taasoo ka dhigan waxay raacsan yihiin midnimada ummadda Soomaaliyeed. 

Xasuuso in xisbiga Waddani helay 42% codka shacabka doorashadii dhacday bishii November 2017. 

Kokaa gar bay noqotay in la yidhaa kala-badh shacabka Somaliland ma oggola gooni isu-taagga.

Akhriste, imikaba aniga ha i soo maagin, ilayn waxaan ka maqlay madaxweyanaha oo sidaa tibaaxayee. Beesha caalamkana cod dheer, ha lagu gaadhsiiyo sidaas. Muslim Alloow run sheeg dad allowna uga qaado.

Wa Bilahi Towfiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

London, UK

maxamuudaxmed@live.com