Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Laaley Xaaladii Deg Dega Ahed Ee Uu Ku Soo Rogay Deegamo Ka Tirsan Gobalka Sanaag

Hargaysa (Salaanmedia/com) Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/WAG/WG/ CQS/081/4/224/ 234/037-332/062019, uu ku laalay xaaladii deg-dega ahayd ee loogu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah

Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida Hargeysa

Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Hargeysa

Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka Hargeysa

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;

Markaan Arkay: In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn;

Markaan Arkay: In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi;

Markaan La-tashaday Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd.

2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

Please follow and like us: