Madaxweynihii Hore Ee Masar Maxamed Morsi Oo Maxkamad Ku Dhex Geeriyooday

Cairo (salaanmedia.com) Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi ayaa ku geeriyooday gudaha maxkamad dhagaysanaysay dacwadiisa.

Maxamed Morsi ayaa 67 sano jir ahaa markii uu geeriyooday sida ay sheegtay warbaahinta qaranka dalkaas

Sannadkii 2012kii ayaa loo doortay madaxweynaha Masar, ka dib markii xukunka laga tuuray Maxamed Xusni Mubaarak.

Waxaa xilka laga tuuray sannadkii 2013kii oo militariga ay markale maamulka la wareegeen.

Xisbiga Ikhwaan muslimiin ee xornimada iyo cadaalada ayaa u doortay inuu u noqdo hogaamiye kacdoonkii bishii Janaayo 2011 kadib.

Xilligaas ka dib waxaa bilowday howlgal ka dhan ahaa taageerayaashiisa Ikhwaanka.

Dacwadda maanta la dhageysanayay waxay ku saabsanayd xiriirkii uu la lahaa ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas, sida uu baahiyay telefishinka qaranka dalkaas.

Wiilkiisa ugu yar, Cabdullaahi ayaa horey u sheegay inuu si joogto ah uga dacwooda xaaladda caafimaadka ee aabihii iyo daweyn la’aanta.

Wuxuu bishii Oktoobar ee sannadkii hore, wakaaladda wararka ee AP u sheegay in aabihii si joogto ah loogu hayay xabsi cidlo ah, loona diiday dawo uu u qaato xanuuno halis ah oo uu wajahayay sida Dhiig-kar iyo cudurka Macaanka.

Shan bilood ka hor, Cabdullaahi wuxuu wargeyska Washington Post u sheegay digniin ah in maamulka Masar ay ka go’an tahay “in arrintaas ay is ula kac ah u sameeyaan, maadaama ay doonayeen in ay arkaan inuu iska dhinto, sida ugu dhaqsaha badan”.