Nuxurka Fariin Gudoomiye Ciro Oo U Diray Madaxwayne Muuse Biixi.

Hargaysa (Salaanmedia.com)

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa boggiisa Twitterka ku faafiyay farriin ku socota madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo nuxurkeedu yahay in uu fuliyo heshiiskii dhexmaray Dr Cali Khaliif Galaydh iyo madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo.

 

 Farriinta Cirro ayaa u dhigan “Xukuumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqeynaa in ay fuliso heshiiskii ay la galeen Dr. Cali khaliif Galaydh iyo maamulka Khaatumo, Waxaana muhim ah in wax walba laga horeysiiyo maanta mideynta dalka iyo dadka.”

 

 

Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo la galay heshiis nuxurkiisu yahay sidii loo dhammayn lahaa tabashada bulshada gobolka Sool ka qabto Somaliland, waxaana la filayay in madaxweyne Biixi fuliyo arrimahaasi laakiin, marar badan ayuu niyad jab ka muujiyay Cali Khaliif fulin la’aanta heshiiska.

Ma cadda waxa xilligan keenay baaqa Cirro laakiin, waxa jira hadal hayn ku saabsan in xilligan oo madaxweyne Biixi la daala-dhacayo fashilaadda kaga timid Bariga Sanaag oo ay kaga xoog badatay Puntland uu Cali Khaliif ku laaban doono degaankiisa gobolka Sool una sheegi doono in uu quus ka taaggan yahay heshiiskii sidaas awgeedna ay aayahooda ka tashadaan.

Haddii Cali Khaliif talada ku celiyo gobolkiisa waxa la filan kara saamayn ka weyn tan gobolka Sanaag Bari in ay xukuumadda madaxweyne Biixi ku yeelan doonto guuxa ka aloosma arrintaasi.

Madaxweyne Biixi ayaa loo arkaa in aanu haysan wasiirro iyo masuuliyiin culus oo saamayn ku leh degaannadooda, islamarkaana u noqon kara baalal uu ku duulo si uu degaannada kala duwan ugu yeesho saamayn hoggaamineed.