Sidaas Baad Wiil Ku Dhali Ma kula Tahay (Abdi-Shotaly)?

Sidaas Baad Wiil Ku Dhali Ma kula Tahay (Abdi-Shotaly)?

Marka hore waxan doonayaa in aan halkan salaan uga gudbiyo Maamulka hadhwanaagnews iyo xaasas-ooodda, aniga oo mudo ka maqnaa oo ku jirey fasax, haatana dib uga soo noqday iyo dhamaan ummadda reer Somaliland meel ay ku sugan tahay-ba, gude iyo debed iyo wakhti ay ku kala jiraan-ba, aniga oo ula habsaamay maqnaansho awgiis, waxan leeyahay “Ciid Mubaarik”. Intaa ka bacdi, waxa la yidhi beri baa gabadh xaga rabbi caruur ka wayday, oo aan ilaah siinin ubad, aad-na ugu baahtay in ay maruun ilmo ay dhashay laga soo hoos jiido, baa waxa u yimid wadaad qalin duure ah, oo ku yidhi hadaad isiiso Lacag dhan ama ah Rubad ( wa shilin iyo badhe), waxan kugu abuurayaa ilmo aad adigu dhashay, oo cilmi iyo aqoon baan u leeyahayey arim-haas, qaar suuqa u galana wuu sameystay, oo waxaas beenta ah ku akhriya dadka, si uu ugu soo xero geliyo, dabeed magaaladdii uu ku noolaa bay kuwii uu dirtay, ee ka daba ceeshi jirey ugu faafiyeen, “Sheekh Hebel baa Gabadha dhali waydda farsamo u haya, isaga baa aqoon u leh, waan qiima jaban, gabdhii markii ay maqashay, bay u tagtay wadaad ku sheeggii qalin duuraha ahaa, Ilayn qaanac bay ugu jirtaa siddii ay ilmo u heli lahayde, waa-ta is cayntaa-risay ee ilaa kitaab gaabkii wadaadka sheega-naayey baf tidhi, si aan looga horeyn, mid wax garanaaya, ama dhal ku abuuraaya maaha, oo dhasha laguma helo fal iyo wali, dhaqaale, raganimo, qurux iyo af-tahanimo mid-na, ee waa deeq Rabbi bixiyo, waa ta siisay markiiba Rubaddii ( waa shilin iyo badhe), isna intuu jeebka ku ritay, buu wuxu ku yidhi “Intaad dabadda qaawiso Dhagax weyn oo uu meesha sii dhigtay Badhidda saar, akhristaw waa ka ku akhriyey cilmi beenaadkii uu ku shaqaysan jirey, markuu ku dhameeyey, buu ku yidhi kuu dhameeyeye, adiga iyo oday-gaaaga iska istareexa,caawa, oo sinaba ha isu seegina, uur baad yeelanay-saaye.

Islaantii markiiba intay caratay, bay uunisggii dabka ku tuurtay, oo ay guriggii dab-xidh ku samaysay, oday-giina ay casarkii dheeraa sii balan-satay, oo ay ku tidhi caawa deg-deg u soo hoyo, amuuraa culus baa jiree. mudo markii ay ka dambaysay, halkii ay ka filaysay in ay caadadu ka joog-sato oo ay uur yeelato, baa habeenkii danbe uu ku soo fatahay ” Webiggii ganaane” ( al-micne caadaddii ay heshay), Gabadhii argagax iyo yaab aanay filayn baa ku dhacay, wixii ay rajadda ka qabtay-na ( oo uur ahina), waa taas meeshii ka baxday, ee waali ku dhawaatay, cagaha wax ka dayday, ee ku tibatay halkii ay ku ogayd wadaadkii faala-lawga ahaa, iyadda oo is madax marsan, meel ay marayso iyo waxay samaynayso mid-na aan ogayn, bay aakhirkii daf u tidhi sheekh ku sheeggii, una sheegatay in Wabiggii Ganaane xalay ku soo rogmaday ( Uur haba sheegine), wixii uu ku akhriyey iyo dhagaxuu badhidda u saaray-na aanay shaqaynin, ee ay ahaayeen huf iyo been, baa waxay waydiisay, wax allaale wixii aad sheegaysay socon waaye, ee ii soo celi “Rubaddii Lacagta ahayd ee aan ku siiyey? Nasiib darro wuxu ugu jawaabay ” Halkay martay allaw ha ku amrin” Adigu ma waxad is lahayd Rubad baad wiil ku dhali doontaa? Taasi ku dhaaftay, kuuna soo noqonmayso, oo waxay ahayd been baan kugu soo xero gelinaayey, illaahay ma aan ihi, isaga uun baa wax abuuri karee, ee gabadh yahay maca-salaama. Saw xaalku hadeer kumuu noqon tii la yidhi ” Habar dhali wayday Alleelo ku waalatay”.

Sidda gabadhaas sare aan kaga hadlay, ee ilmihii ay sugaysay uu cirka isku shareeray, bay rajaddii Somaliland meesha ka baxday, oo ay samadda iyo meel ka sii saraysa ku laalantay, heleen dar sidda wadaad-kaas meel baas iyo dhagax-falan badhidda u saaray. Nin baa laga hayaa ” ku qariyey-qariyey ee Gun-cade” runtii banaanka ma is keentay? Ujeedo iyo haatan, ummad yahay, waxa sidaas ka dhigan, oo been idinku soo xero geliyey, Askariga kala wareegsan “Raggii ma adigaa ka hadhay iyo adhli-giisa la yidhaaho Geenyo Shaaximan” oo aynu hore iyo diba u oagayn in aanay wax-ba haayn, ahayn qaar wax soo wadda, sidda suufiga tusbax-laha ah eekhiyaameeyey gabadha sare lacagta kaga gurtay, been iyo wax aan sal iyo raad lahayn, idin-kana idinku akhriyey Huu-haa, tolaay reer hebelaw ka soo kacaay, saw guntii maydin soo taabin, oo sheekaddii kuma ay dambayn, ma-dhalays iyo somaliland oo baabadda, in reer-ba-reer ugaadh-sado, Gobolkii sanaag la waayo, dhamaan dhulkii warsan-geli iyo dhulbahante habeen may dareerin, oo puntland umay gelin, boqol jabha-dood kamay dilaacin gobol kaste, askartii beelo may dhamayn oo may dilin intii aan u dhalan ee jiidoodda xukumaysay. Oo in ay kala dareeraan qarka uma saarna waxa hadhay, xaalku mari-maayo in Askartii dhagxaan lagu dilo. Gobolo dhan askarigu kama uu caayin warbaahinta, oo kumuu odhan ” Goboladda Bari nin garaad iyo aqoon lihi kama kicin” Galbeed uun wax laguma sii wado,Barina gorayadu kamay hadaafin, lama diidin in ay beeluhu wadda hadlaan, oo marba in qori dab-leh lagu sii dhex tuuri maayo iyo cadaawad lagu sii talaalo, si ay uga dhex faa’iidaan. Burco waxa tegay Wefti ku sheeg ay hogaami-nayaan Geenyo Shaaximan, Gaafaadhi, Xinif iyo daba dhilifyo kale oo oo lagu maxaafsado. kuwaas oo u socdayoo qudha, in aanay dhicin shirka beelaha bari ay isku beer xaadhanayaan. nasiib darro-se waa lagu kala kacay, oo way ka huleeleen, markii beesha Burco-Bari af-buuxdda ku tidhi, wax idin khuseeya maaha ee ka huleela, dan baa ka dhaxaysa Burco Bari iyo galbeed, taas oo la doonaayo in lagu mashquuliyo dagaal, ah beel heblaayo iska ilaalin, wax dan qaran wadaana ma jiraan, ee waa ku shaqayso, Waxan ku soo dabray maqaalkan, ka soo maala, waa taas ciinka daaq-daye.

* N.B Habar Dhali Wayday Alleelo Ku Waalatay!
Qore:- Abdi-shotaly.