Somaliland: Imtixaanka Shahaadiga ah oo Maalintii Kowaad si habsami ah ku soo dhammaaday

Hargeysa (SalaanMedia)- Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee dalka oo maanta uu daah-furay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi, ayaa maalintii koowaad si habsami ah oo xasilooni ku dheehan tahay ku soo dhammaaday iyadoo aanay jirin wax qalalaase ah oo guud ahaan dalka goobaha ay imtixaanku ku qabsoomay laga soo wariyey.