Talaabo Madaxweyne Muuse Biixi Qaaday Oo Sababtay Iscasilaad Loogu Baaqay Masuul Xukuumadiisa Ka Tirsan

Hargaysa (Salaanmedia.com) Warar rasmi ah oo soo baxay ayaa xaqiijiyey in madaxweyaha somaliland uu xilkii wasaarada qorshaynta si ku meelgaadh ah ugu wakiishay wasiir Sacad Cali Shire ka dib markii wasiirkii wasaaradaasi xaalad caafimaad ugu baxay wadanka dibadiisa.

Talaabadaasi oo dibada u soo baxday ayaa guux ka dhex dhalisay bulshada iyada oo si weyn laysku waydiinayo doorka iyo waajibaadka uu leeyahay wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, kaas oo sharcigu u ogolaanayo inuu ku sime ka yahay wasaarada marka uu wasiirku ka maqan yahay dalka.

Hadaba boqor Axmed Iimaan Warsame oo ay isku deegaan yihiin wasiir ku xigeenka qorshaynta ayaa jawaab ka bixiyey talaabada la sheegay in madaxweyne Muuse qaaday, waxaanu yidhi “Waxa dhacday in wasiirkii qorshayntu uu xaalad caafimaad ugu baxay wadanka dibadiisa, halkii loo dhiibi lahaa wasiir ku xigeenka oo hayb ahaan aanu isku beel ka soo wada jeedno oo uu ku sime u noqon lahaa wasiirka maqan ayaa hadana la keenay wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire oo hawl culus u haya wadanka, iyada oo markii laga soo badalay arimaha dibada ee maaliyada la keenay ay somaliland sawir kale ka bixisay hadana marka la yidhaa wasaaradii kalana waa loogu daray isaga oo ka soo jeeda beesha madaxweyne Muuse, wasiir ku xigeenkayagana la yidhi laguma aaminayo inuu ku sime noqdo somaliland iyo anaguba sawir kale ayaanu u aragnay, iyada oo ay markii hore nagu jirtay shakiga ah in madaxweyne kasta uu ka badalaya ku balamiyo in wasiir ku xigeen naloo magacaabo.”ayuu yidhi boqor Axmed Ugaas Iimaan oo la hadlday eryaltv.

Sidoo kale boqor Axmed Ugaas Iimaan ayaa iscasilaad ugu baaqay wasiir ku xigeenka qorshaynta Eng Xuseen Ibraahim Xasan Buuni “Wasiir ku xigeenka qorshaynta waxa sharaf u noqon lahayd oo dadnimo, magac iyo sharaf ku heli lahaa inuu is casilo, Maantana sharaftiisa iyo dadnimadiisu waxay ku jirtaa inuu hayo dulinimada oo uu iska casilo.”

Dhinaca kale dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegaya in go’aanka uu madaxweyne Muuse Biixi sida ku meelgaadhka ah ugu wakiishay xilkii wasaarada qorshaynta wasiirka maaliyada Dr. Sacad Cali Shire ay tahay kalsooni daro uu ka qabo masuulka uu u magacaabay wasiir ku xigeenka qorshaynta Eng Xuseen Ibraahim Xasan Buuni