Trump oo amray in la weeraro Iran, markii dayuuradihii dagaalka la kiciyeyna ka laabtay

Madaxweynaha Maraykanka ayaa amar ku bixiyay in weeraro xagga cirka ah lagu qaado gudaha dalka Iran, balse go’aankaas ayuu si lama filaan ah uga laabtay markii ay diyaaradihii duqeyn fulin lahaa ay hawada galeen.

Sababta ka dambeysa go’aanka dambe ee Madaxweynaha lama oga balse wargeyska New York Times ayaa baahiyey in go’aankiisa joojinta duqeynta aysan la qabin wasiirka arrimaha dibedda Mike Pompeo iyo la taliyaha amniga John Bolton.

Meelaha uu Trump amray in la weeraro ayaa waxaa ka mid ah xarumaha raaderka Iran iyo kuwo milateri oo muhiim ah, iyadoo Iran ay ku hanjabtay inay jawaab adag bixin doonto haddii dhulkeeda lagu soo xad gudbo.

Maraykanka ayaa ka carooday markii Iran ay soo ridey shlay diyaarad kuwa wax basaasa ah oo uu Maraykanka leeyahay, taasoo ku fadhida $130 milyan dollar.