Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Wasiirka Isgaadhsiinta oo faahfaahiyey Siyaasadda ilaalinta Tignoolajiyadda dowladda iyo Daraasad cusub

Hargeysa (SalaanMedia)- Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, ayaa faahfaahiyey ujeeddada laga leeyahay siyaasadda Tignoolajiyadda dowladda lagu hagi doono oo ay dhawaan golaha wasiirrada iyo Madaxweynaha uu ka hor-akhriyey Wasiirku.

 

Shir jaraa’id oo ay khamiistii maanta wada jir ugu qabteen xarunta wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi iyo Guddoomiyaha Jaamcadda Hargeysa Prof: Maxamuud Yuusuf Muuse, ayey ku faahfaahiyeen cilmi-baadhista siyaasadda ka hor ay sameeyeen, ujeeddada iyo muhiimadda ay siyaasadda ICT-gu dowladda iyo bulshadaba u leeyahay. Waxaanay intaa ku dareen inay guul ka gaadheen heshiis ay Jaamacadda Hargeysa iyo Wasaaradda Isgaadhsiintu hore u wada galeen oo la xidhiidhay daraasad laga soo diyaariyey arrimaha tignoolajiyadda sida loo adeegsado iyo ilaalinta xogta ICT-ga dowladdu adeegsato.

 

Wasiir Cabdiweli oo ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Siyaasadda ujeeddadeedu marka koowaad waxa weeye in la helo tignoolajiyad ay dowladdu ugu fuliso bulshada iyo sidoo kale in kharashka ku baxaya tignoolajiyadda inuu noqdo kharash u dhigma faa’iidada ay laamaha dowladdu ka helayaan. waxyaabaha ugu muhiimsan ee dunidu ay maanta ku kala duwan tahay waa xogta, laamaha dowladduna xog aad u qaali bay hayaan. Markaa, waa in la ilaaliyo ammaanka xogta ay hayaan iyo bad-qabkeeda.

 

“Waxa kale oo ka mid ah in kor loo qaado adeegyada loo fulinayo bulshada, hadday noqoto adeegga qofku maalin walba u baahan yahay, sida waxbarashada, caafimaadka, dhulka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah. Markaa, in adeegyadaa kor loogu qaado iyadoo la adeegsanayo IT-ga, ayaa siyaasaddu ka duulaysay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirka Isgaadhsiitna Somaliland waxa uu sheegay in la midaynayo nooca qalabka xafiisyada dowladdu adeegsan doonaan dhaqan-galka siyaasaddan ka dib, si loo ilaaliyo xogta iyo wada xidhiidhka hay’adaha dowladda, waxaanu yidhi; “Ugu dambayna in la sameeyo cilmi-baadhis, oo haddaanad mar walba wax baadhin oo aanay xogta cusub ku darin xogtaadii hore horumarkaagu aad buu u koobnaanayaa. Meelaha aannu awoodda saarnay waxaa ka mid ah in hal-beegyo, hagayaal iyo tilmaamo, marka qalabka IT-ga ay adeegsanayaan laamaha dowladdu.”

 

“Tusaale ahaan haddii Xafiis ka mid ah xafiisyada dowladdu uu doonayo inuu soo iibsado Kumbuyuuter, in loo sameeyo tilmaamo uu ka dhaqaaqayo, sida muxuu yahay Kumbuyuuterkaasi? Noocuu noqonayaa? Tilmaamaha qarsoon ee looga baahan yahay waa maxay? Si loo helo qalab midaysan. Waxa kale oo ku jira in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha laamaha dowladda.” ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyaddu.

 

Wasiirku mar uu ka hadlayey, geeddiga ku xiga ee hirgelinta siyaasaddani horseedka u tahay, waxa uu yidhi; “Siyaasaddani waxay gogol-xaadh u tahay qaab elaktaroonik ah (E-government), oo ah in qofku isaga oo jooga gurigiisa uu kaadhka aqoonsiga dalban karo, baasaaboorka dalban karo, lacagta ku bixin karo, oo isagoo gurigiisa jooga uu bixin karo cashuuraha u baahan hadda inuu xafiis u tago, xataa qofku isaga oo dalka dibeddiisa jooga uu adeeg dalban karo, waxa kharash looga baahan yahayna ku bixin karo qaab elaktaroonik ah.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Jaamcadda Hargeysa Prof: Maxamuud Yuusuf Muuse, ayaa sheegay in siyaasaddani wax badan ka beddeli doonto nidaamka tignoolajiyadda dowladda iyo dalkaba, muhiimad badanna ay leedahay.

 

“Hawshan oo ay sannadkii hore dhammaadkiisii illaa hadda soo wadday Kulliyadda ICT-ga ee jaamacadda Hargeysa, oo ay ka soo saartay Daraasadda qaabka adeegsiga ICT-ga amma Tignooljiyadda ee ay hay’adaha dowladdu adeegsadaan, waanad arki kartaan daraasaddaas oo ah mid rasmiya oo wax lagu qabsan karo.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.

 

salaanmedia@gmail.com

Please follow and like us: