“Xaalad Deg Deg Ah Oo Na Khusaysay May Jirin, Caare-na Wuu Dhoofayaan”…Badhasaab Tiimbaro

Ceerigaabo (Salaanmedia.com)- Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa ka hadlay xaalada dhinaca nabad galyada ee gobolka Sanaag.

Badhasaab Tiimbaro oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in hawshii kornayl Caare ee gobolka Sanaag ay gaba gabo ku dhawdahay,isaga oo xusay inay dib u soo xareeyeen ciidankii uu kaxaystay.

Ugu horayn gudoomiye RTiimbaro oo ka hadlaya xaalada gobolka Sanaag ee wakhtigan ayaa waxa uu yidhi “Guud ahaan xaalada gobolku hada way wanaagsan tahay abaartiina ilaahay waa naga jabiyey oo roobab badan oo khasaarahoodu iska yaraa ayaa ka gobolka helay iyaga oo sababay dhimashada laba qof iyo xoolo aad u tiro badan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay jirin xaalad deg deg ah oo khusaysay gobolka Sanaag “Xaalad deg deg ah oo anaga na khusaysay may jirin, waxaana looga jeeday in la soo qabto gacan ku dhiiglayaashii saraakiishadilay hawshaas ciidan mooyaane laakin wax bandoo ah oo aanu maamul ahaan aragnay ama naga hirgelay oo naga socday may jirin laakiin ciidanku hawl sidii hore ka duwan oo booliska ayuunbaa nabada lagu halayn jiree in maca milatarigu la hawl galo oo nabad galyada gacanta wax lagaga qabto ayuunbay ahayd taas ciidankuna way socotaa laakiin wax kale oo culays ah oo dhibaato ah oo ay nagu haysay ma jirin.” Ayuu yidhi badhasaab Tiimbaro.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ayaa sidoo kale sheegay inay dib u soo celiyeen ciidankii uu kornayl Caare kaxaystay haatana uu ka dhoofi doono goobta uu hada ku sugan yahay “Kornayl caare ciidankiisii waanu ka soo celinay isaguna shakhsi ayuu noqonayaa, tignikadiina meel ayuu ku xaraystay waxaana laga yaabaa in isaguna uu dhawaan inaga dhoofaba markaa imika hawl culus inaguma hayo oo waa iska gaba gabo.”