Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xaraashaysa Baabuurta Duuga Ah Ee Dawladda

Hargaysa (Salaanmedia.com) Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay xaraashayso baabuurta duuga ah ee dawladda.

Qoraal wargelin ah oo ay shalay soo saareen guddiga qandaraasyada qaranka, ayaa waxa lagu sheegay in araajida lagu soo xaraysanayo dalabka xaraashka baabuurtu uu xidhmi doono 19/06/2019, lana furi doono 20/6/2019. Qoraalka guddiga qandaraasyada waxa lagu yidhi “Waxa lala socodsiinayaa dhammaan dadweynaha sharafta leh iyo cidda kale ee danaynaysa in xaraashka baabuurta duuga ah ee dawladdu uu xidhmayo 19/6/2019, maalinta arbacada ah saacadu markay tahay 12:00 AM, waxaana la furi doonaa xaraashka baabuurta duuga ah ee dawladda 20/6/2019, maalinta khamiista ah saacadu markay tahay 10:00 AM, waxaana lagu furi doonaa hoolka shaqaalaha dawladda.”

Inkastoo ay xukuumadu xaraashayso baabuurta duuga ah ee dawladda, haddana dhinaca kale guddiga qandaraasyada ayaa tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi xilkan u magacaabay waxay baahinayeen baabuurta qaaliga ah ee V8 loo yaqaano oo loo raadinayo qaar ka mid ah wasaaradaha kala duwan ee dalka.