Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Xukuumadda Somaliland Oo Xayiraadii Ka Qaaday TV-yada Eryal Iyo Horyaal

Hargaysa (Salaanmedia.com) -Xukuumadda Somaliland ayaa ayaa waxa ay shaacisay inay xayiraadii ka qaaday TV-yada Eryal iyo Horyaal.

Xukuumadda Somaliland oo ay hore u xayirtay labadan telefishan ee kala ah Eryal iyo Horyaal, balse waxa maalmihii u dambeeyay socday waanwaan la doonayay in lagu xaliyo arrintan, waxaana socday wada-hadalo u dhexeeyay xukuumadda iyo mulkiilayaasha labada Telefishan.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA iyo Xarunta Xuquuqal Insaanka JSL ayaa hore u cambaareeyay xadhiga Telefishanada Horyaal iyo ERYAL waxa ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo mugdi galinaya nidaamka Dimuquraadiyadeed iyo xorriyatul qawl ee Dastuurka Somaliland damaanad qaaday.

Halkan Hoose Ka Daawo

Please follow and like us: