AQRISO Waa Tuma Hodan Naaleye? Taariiqdeeda Oo Kooban. Maanta ayaa la aasayaa. Hadaad qalbi damqanaayo leedahay u duceey Hodan

AQRISO Waa Tuma Hodan Naaleye? Taariiqdeeda Oo Kooban. Maanta ayaa la aasayaa. Hadaad qalbi damqanaayo leedahay u duceey Hodan

• SHALAY OO KALE AYEY DHALATAY

12 july 1976 ayey dhalatay Hodan Naleeye, Waxey jirtay 43 sano.

Shalay waxey ku beegneeyd maalintii ay aduunka timid. Isla shalay ayey aduunka ka tagtay.

• HODAN WAA TUMA? GOORMEE CANADA TAGTAY

Hodan Naleeye waxey ku dhalatay magalada Laascaanood. 1982 Markii ay jirtay 6 sano ayaa la geeyay dalka Canada oo ay kusoo barbaartay.

Hodan waxaa la dhashay 4 wiil iyo 7 gabdhood. walaalkeed Nageye Naleyah oo aan la hadlay ayaa ii sheegay inay ahayd qof qalbiga Hodan ka ah.

“Haddii qalad aad ka gasho xitaa mid aysan jecleyn si maskiinimo leh ayey kuu caafineeysaa. Kadib waxey dhihi jirtay mardambe hasameyn”.

• WAXBARASHADEEDA

Hodan waxey dugsiga dhexe iyo hoose ku qaadatay mac-hadka West Humber College.

Jaamacadda Windsor ayey ka qaadatay shahaadada Bachelor, qeybta Arts in communications.

2014 ayey dib ugu laabatay jaamacadda si ay usoo diyaariso,waxna ugu soo barato saxaafadda iyo arimaha bulshada.

• HODAN CARUURTEEDA

Allaha u naxariistee Hodan waxey ifka kaga tagtay 2 wiil oo aan midkoodna gaarin 15 sano.

Inbadan waxey ahayd Single Mother da’ yar ama hooyo kalinimo kunool lakin markii dambe waxey isguursadeen seyga hadda qabay.

• NAAG ISKA DHIG

Hodan Naleyeh waxey caan ku ahayd kalmadda “Naag iska dhig” oo gabdho iyo hooyooyin badan ay u noqotay dhiiro galin weyn.

Mar la weydiiyay Naag Iska dhig waxey ula jeedo ayaa waxey tiri…

“Gabar kasto oo Somali ah wax kasto wey awoodaa. Naag iska dhig waxaan ula jeedaa fadhiga kakac. Aniga xitaa markaan niyadjabo waan isdhihi jiray ereygaan”.

• WAXEY KA TIMID IYO WAXEY U TIMID

Hodan Allaha u naxariistee waxey ka timid mid kamid ah dalalka ugu amniga iyo quruxda badan caalamka ee Canada.

Waxey u timid sidii ay adduunka u tusi lahayd wanaaga, dhaqanka, bilicda iyo hormarka guud ahaan gobolada Somaliya iyo caasimadda Muqdisho.

Hodan waxey safar usoo gali jirtay markasto iyadoo aan dhaqaale meel kale ka heli jirin sidii ay hormarka wadankeeda usoo tabin laheed.

Waxey noqotay gabadhii ugu horeeysay ee furta Tv afka ingiriiska kubaxa oo la dhaho Intergration Tv.

• MAXAAD IGU XASUUSAN DOONTAAN

Dardaaran ay jeedisay inta aysan dhiman kahor ayaa waxey tiri…

“Ma ahan inaan caan noqdo ama lacag sameeyo. Waxaa rabaa maxaad ka tageeysaa markaad dhimatid” ?

“Insha Allah hadey dadka i xasuustaan, waxaan ahaa qof dadka Somaliyed iska jecel. Inay walaalo noqdaan, inay noqdaan dad maanta fahmi kara wadankeeni hadaan anaga wax katarin yaa wax nataraya”.

• SHEEKH SACIID RAAGE

“Maalinta qayaamo hadaan nasiib u yeesho in alle swt aan arko, waxaan hortiisa ka cadeen doonaa in aan la kulmin qof ka wanaagsan Hodan Naleyeh”

“Waxey biili jirtay caruur agoomo ah. Waxey adduunka tustay dalkeeda wuxuu yahay. Waxey caawin jirtay masaakiinta, Rasuulka scw wuxuu yiri qofka markuu dhinto hala badiyo sheegida wanaagiisa”

“Somaliyeey wanaaga Hodan Naleyeh aan faafino, aan amaano, aan u duceeyno”.. sidaas waxaa yiri Sheekh Saciid Raage.

• HODAN NALEYE U ABAALGUD

Hadaad u duceeyso Hodan Naleyeh waad u abaalguday. Hadaad Share gareeyso Taariiqdeeda waad u abaalguday

Aniga aqoon gooni nagama dhaxeyn lakin geerideeda ilaa waqtigaan saa’id ayaan ugu naxsanahay. Waa xanuun wlh ?

Please Hodan Naleyeh u duceey in Alle qabriga u waasiciyo. Allaha u naxariisto aamin yaa rabbi

Waxaa Qoray:- Idris Abdulkadir
Waan kuu mahadcelinayaa hadaad sii gudbiso Qormada Hodan Naaleye