Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Daawo :- Somaliland Oo War Ka Soo Saartey Markab Xoolo Ka Qaadey Berbera Oo Sucuudiga Ku Xayiran + [ Ceel Afweyn Maxay Ka Tidhi ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Wasiirka wasaarada xanaanada Xoolaha Somaliland Xassan Maxamed Gaafaadhi ayaa waxaa uu cadeeyey in markab Somaliland xoolo nool ka qaadey afar cisho ka hor uu ku xayiran yahay Dekada Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga , kadib markii dawlada Somaliya ay cabasho ka gudbisay isla markaana Dekada Berbera ka shiraacdey oo ay Somaliya dooneyso in ogolaansho ay iyadu bixiso xoolaha Somaliya ku dhoofaan

Wasiirka ayaa ku hanjabey hadii arintaasi xal loo waayo in ay Somaliland raadsan doonto suuqyo kale oo ay xoolaheeda u dhoofiso

Sidoo kale Wasiir Gaafadhi oo Salaanmedia.com su,aal ka weyday xaalada Colaada Ceel Afweyn ka soo cusboonaatey isla markaana waxaa uu ka gaabsadey in uu arintaasi wakhtigan ka jawaabo

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

Please follow and like us: