Dagaalkii Ka Bilaamay Deegaanka Dhoob Oo 45 Km Dhinaca Bari Kaga Beegan Degmada Ceerigaabo Iyo Wararkii U Danbeeyay

Ceerigaabo (Salaanmedia.com0- Colaadii deegaanka Ceel Afweyn ayaa haatan u muuqata inay sii fidayso isla markaana ku baahayso deegaano kale.

Wararka laga helayo magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in ciidamada qaranka somaliland ay dagaal kula jiraan jabhadii Kornayl Caare oo soo gaadhay deegaanka Dhoob oo 45km dhinaca bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ay ciidamada qaranka somaliland hor istaageen jabhada kornayl Caare oo doonayey inay dhufays dagaal ka samaystaan buurta Daallo isla markaana ay galaan aaga ka ag dhaw buurtaasi.

Dagaalka oo socda awgii Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ay iskaga horyimaadeen ciidamada Somaliland iyo kooxda uu hogaamiyo Col Caare.

Sidoo kale wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in rabshado ay ka socdaan gudaha magaalada Ceerigaabo, waxaanay wararku sheegayaan in Ciidamada amaanku ay rasaas u adeegsanayaan shacabkaasi si ay u kala eryaan oo xaalada magaaladu ay caadi ugu soo noqoto.

Dhinaca kale xukuumada somaliland ayaan ilaa hada ka hadal colaadaha ka soo cusboonaaday deegaanka Ceel Afweyn iyo dagaalada dhexmaraya kooxda Kornayl Caare iyo ciidamada qaranka somaliland