Dawlada Iran Oo Markab Ajinabi Ah Qafaalatay

Iran ayaa sheegaysa in ay gacanka ku hayso Markab ajinabi ah iyo 12 shaqaalaha markabka, kaasi oo siday shidaal.

Warbaahinta Qaranka Iran ayaa soo xigatay ilaalada badda kuwaasi oo sheegay in markabka uu waday shidaal gaaraya ilaa hal milyan oo litar

Weli lama xaqiijin in uu markabkaasi yahay Riah oo fadhigiisu yahay Imaaraadla Carabta.

Iran ayaa sheegtay bilowgii toddobaadkan in ay caawinayso markabka oo halaabay.

Balse Iran oo aan magacaabin markabka Riah, ayay sheegtay in markabka ay ay usoo jiidday dhanka biyaheeda oo ay haatan gacanta ku hayaan.

Xasaradda ka taagan gacanka ayaa cirka isku sii shareereysay tan iyo markii uu Mareykanka sii adkeeyay cunaqabtaynta shidaalka Iran ka dib markii uu si ula kac ah uga baxay heshiiskii niyukleerka Iran ee sannadkii 2015-kii.

Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay in ka dambeysay laba weerar oo lagu qaaday Maraakiib shidaal oo marayay gacanka, balse Iran ayaa gaashaanka u daruurtay edeyntaasi.

Iran ayaa sidoo kale soo ridday diyaarad kuwa aan duuliyaha wadin ah oo uu Mareykanka lahaa.

Dhanka kale Maraakiibta dagaalka ee UK ayaa markaakiibta shidaalka ee Birtain ilaaninayay tan iyo markii ay iran ku hanjabtay in ay qafaalan doonto maraakiibta shidaalka ee UK, taasi oo jawaab uga dhigaysay markab Iran ay leedahay oo ay Britain ku qabatay xeebta Gibraltar.

UK ayaa sheegtay in markabka shidaalka looga shakiyay in uu baal maray cunaqabteenadii Midowga Yurub ee Iran