Dawoco Ka Yaabisay Seeynisyahanada Adduunka + [ Maxay Sameysay ]

Dawoco yar oo ah nooca ku nool dhulka qaboobaha ayaa ka yaabisay seeynisyahano la socday dhaqdhaqaaqeeda kadib markii ka tagtay dalka Norway, lugna ku tagtay Canada, safarkaas oo ku qaatay 76 maalmood iyada oo qaraab doon ah.

Sida uu qorey wargeyska Norway kasoo baxa ee Semitsiag, seeynisyahanada ayaa la yaabay safarkan qariibka ah ee ay dawada gashay, iyada oo ka gudubtay dhul aad baaxadiisa u balaaranyahay, qaboowgiisuna daranyahay

Cilmi baarayaal ka tirsan mac-hadka Polar ee Norway ayaa dacawada oo hal sanno jir ah ku xiray qalabka GPS-ka ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa hadba sheeyga lagu rakiyo.

Waxaa 76 maalmood kadib la ogaaday in ay ku sugantahay jasiiradda Ellesmere ee dalka Canada, iyada oo jartay masaafo dhan 2,000 kiilo mitir.

Waxa la yaabka leh ayaa ah xawaaraha ay ku jartay masaafada intaas dhan, iyadoo maalin kasta goynaysay 46 km , maalmaha qaarkoodna waxa ay jaraysay 155 km.

“Waan rumeysan weynay waxa ay indhaheena arkayaan, waxaan u malaynaynay in ay dhimatay, ama doon lagu qaaday, balse wax doon ah aagga maba joogin” ayay tiri Eva Fuglei oo ka tirsan mac-hadka Polar.

Ma jirto dacawo safarka intaas la’eg gashay inta la ogyahay.

Eva ayaa ka mid ahayd koox cilmi baarayaal ah oo loo xilsaaray in ay wax ogaadaan sida dawacooyinka ay ugu dulqaataan qaboowga, uguna maareeyaan noloshooda.

“Xilliga jiilaalka cunto badan ayaa la helaa, balse xiliga qaboowga waa dhib, waana marka dawooyinka ay u haajiraan meelo kale si ay cunto u helaan, balse dawacadan waxa ay tagtay meel aad u fog” ayay tiri.

Barafka sii dhalaalaya ee adduunka ayaa la sheegay in uu saameyn xooggan ku yeelanayo xayawaanka ku nool dhulkan qaboobaha ah.