Degdeg Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Weerar Ku Qaaday Gaadiidkii Tiknikada Ahaa Ee Ay Ku Dirireen Labada Beelood Iyo Mudaharaad Burco Ka Socda

Ceerigaabo (Salaanmedia.com) Ciidamada Qaranka Soomlailand ayaa saaka waabarigii weerar ku qaaday gaadiidkii tiknikada ahaa ee doraad ay iku werareen labadii beelood ee ku dagaalami jiray deegaanka ceel afweyn

Dagaalkan Ayaa Saaka uu ka dhacay Meesha loo Yaqaan YUBE oo ka tirsan degaanka degmada Ceerigaabo Ka Dib markii toos ay isu hujuumeen ciidankii jabahada caare ee Tiknikada watay iyo Ciidanka qaranka Somaliland hadaba si kastaba ha ahaatee dagaalkan ayaa socday ilaa saaka balse wax khasaare oo ka dhashay wali lama hubo in kastoo warar ka badan koodu ay sheegayaan in ciidanka qaranku gacanta ku dhigeen Gaahi Tikniko Ah oo aan qori saarnayn oo ay ka qabsadeen marka horeba beesha biiide dhanka kale

Waxaa kale oo lagu soo waramayaa In Ciidanka Qaranka Somaliland ay Gacanta Kaga dhigeen Gaadiid TIKNIKO ah Beesha Biciide isla Markaana ahaa gaadiidkii ay ku weerareen beesha Sacad Yoonis hadaba si kastaba ha ahaate gaadiika tiknikada ah ee beesha biciide laga qabtay ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin laba gaadhi oo tikniko ah

Dhanka Kale Mudahaard Balaadhan ayaa goor dhaweyd ka bilaabat badhtamaha magaalada Burco Isla Markaana Ciidanka Booliska Burco Ayaa Rasaas Kala Hortagay Mudaharaadkan Ayaa Ah mid Aad U Yar Balse Aan Ahayn Mid Khasaare Ka Dhashay

Sidoo Kale Gudaha Magaalada Cerigaabo Ayaa Lagu Soo Waramayaa In aanay Caadi Ahayn Isla Markaana Looga Baqayaa In Ay Iyaduna Nabadedu Faraha Ka Baxdo

Wixii Warar Ah ee Soo Kordha Kala Soco Salaanmedia.commm