Degdeg Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Badan Sababay Oo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Ceel Afweyn

Ceel Afweyn (Salaanmedia.com) Dagaal Weyn Oo Aan Khasaaarihiisa Dhimasho Iyo Dhaawaca Uu Sababay Aan Hore Uga Dhicin deegaanka Ceel Afweyn Ayaa Galabta Kowdii Duhurnimo Ka Bilaamay Saddex Meelood Oo Ka Tirsan deegaanka Ceel Afweyn Isla Markaana Loo Adeegsaday TIKNIKO Waa Sida Wararka Xaqiiqada Ahi Ay Noogu Soo Waramayaane

Dagaalkan Ayaa Ku Soo Beegmay Xili Ay Sulaadiinta Beesha H / Jeclo iyo Beesha Garxajis Ay Isku Afgarteen In Ay Shir Isugu Yimaadaan 20 ka Bishan Todobaad Hadaba Si Kastaba Ha Ahaatee Dagaalkan Maanta Deegaanka Ceel Afwey Uu Ku Dhex Maray Labada Beelood Ee Walaalaha Ahaa ee Biciide Iyo Beesha Sacad Yoonis Ayaa Ka Dhacay Saddex Goobood Oo Deegaanka Ceel Afweyn Ah Waxaanu Dagaaalkani Sababay Khasaare Aan Hore Kan oo Kale Uga Dhicin Deegaanka Ceel Afweyn Isla Markaana Wararku Ay Xaqiijinayaan In Beeli Ay U Adeegsatay Beesha Kale Gaadiid Tikniko Ah Dagaalkan Oo Gabal ku Isugu Dhacay Ayaa ka Bilamay Deegaankaasi Ceel Afweyn Kowdii Duhurnimo Ee Maanta Gabalkuna Uu Isugu Dhacay Isaga Oo Soconaaya Khasaaraha Iyo Dhimashada Iyo Dhaawacuna Sida Lagu Soo Waramaayo Aan Kan oo Kale Hore Loo Arag

Dhanka Kale Ciidamada Xukuumada Soomaliland Ayaan Wax gurmad Ah Iyo Dhex Gal toona Aan ka Geysan Dagaalkaasi Maamnta Isla Markaasna Aan Wali Ka Hadal

Dagaalkan Ayaa Soo Cuboonaaday Tan Iyo intii Boqor Buur Madaw Uu Iclaamiyay Shirkii Labvada Beelood Ee Habar Jeclo Iyo Garxajis Ilaa Maanta Oo Ay Salaadiin Iyo Cuqaasha Beelaha H/Jeclo Iyo Garxajis Ay Isku Waafaqeen Inay Shir kuwada Yeeshaan 20 ka Bishan Todobaad Magaalada Burco Isla Markaana Dagaalkii ugu Ba anaa Ugana Khasaaaraha Badnaa Uu Galabta Ka Dhacay deegaanka Ceel Afweyn

Wixii Intaas Warar Soo Kordha Kala Soco Shabakada Salaanmedia

ILLAAHAY HAKALA QABOOJIYO LABADAA BEELOOD EE WALAALAHA AH AAMIIN…….AAMIIN