DEGDEG Dagaal Qadhaadh Oo Mar Kale KA Qarxay Degmada Ceel Afwey Iyo Magaalada Ceel Afweyn Oo Gubanaysa Caawa

Ceerigaabo (Salaanmedia.com) Dagaal Ba An Ayaa Caawa Markale Ka Bilaamay Degaanka Degmada Ceel Afweyn Gaar Ahaan Degmada Ceel Afweyn gudaheeda

Dagaal qadhaadh oo ba an ayaa caawa fiidkii ka bilaamay gudaha magaalada ceel afweyn ka dib markii gaadiid tikniko ah oo ciidan beeleed watay ay si toos ah u soo hujuumeen gudaha magaalada Ceel afweyn isla markaana rasaas ooda ay kaga qaadeen qaar ka mid ah meherado ku yaala magaalada Ceel afweyn waa sida ay khadka telefanka nooga soo sheegayaan dad goob joogayaal ahiye dagaalkan ayaa wali ka socda badhtamaha magaalada Ceel afweyn isla markaana ay magalaada ceel afweyn sida lagu soo waramaayo uu noqonayaa dagaalkani mid aan noociisan oo kale aanay u soo marin.

Weli lama ogaankaro  sida ay wararku sheegayaan uu ka socdo dagaalku ayaan la garanayn wax khasaare dhimasho iyo dhaawac wax uu sababay dagaalkani caawa hadaba si kastaba ha ahaatee wixii warar ah ee intaasi ka soo kordha kala soco shabakadan caalamiga ah ee salaanmedia.com

Salaanmedia/Burco