Faa’iidooyinka Malabka Ee Qurxinta Jidhka (1aad)

Qur’aanka Kariimka ah ka sokoow, in malabka shinnidu uu yahay dawo leh faa’iidooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin, waxaa ka marag kacay dhammaan dhaqannadii soo jireenka ahaa ee aadamaha iyo in badan oo ka mid ah diimaha kale. Waxaa sida oo kale iska daba maray natiijooyinka cilmibaadhisaha kala duwan ee muddo tobannaan sano ah lagu soo samaynayey faa’iidooyinka malabka, kuwaas oo mar kasta soo shaac saara faa’iidooyin cusub oo aan hore loogu ogeyn. Faa’iidooyinkaas waxaa ka mid ah qurxinta jidhka oo inta la ogyahay kumannaan sano uu aadamuhu ogaa, kana faa’iidaysanayey.

Sababta cilmiga ah ee faa’idooyinkaas malabka gelisay waxaa ka mid ah maaddooyinka lidka ku ah sunta/mariidka ee uu hodanka ku yahay oo caawiya in uu jidhku soo saaro xaddi badan oo ah

Collagen, taas oo haddii ay jidhka ku badata keenta faa’iido ah in muuqaalka dhalinyaronimo aanu muddo dheer jidhka ka guurin.

Dux siin xeeldheer

Malabka waxaa ku jira dheecaan oogada sare ee maqaarka xariir ka dhigta, sida oo kalana hoos u dhaafta oo dux siisa lakabyada hoose ee maqaarka.

Malqacad malab ah oo aad mariso maqaarka wejiga, muddo 15 illaa 20 daqiiqo ahna ku deyso, kaddibna biyo kaga nadiifiso ayaa ku filan in aad faa’iidada aynu soo sheegnay ka hesho malabka. Waxaana fiican in habkan toddobaad kasta laba jeer la isticmaalo.

Nadiifinta daloollada jidhka

Malabku faa’iido badan ayaa uu u leeyahay nadiifinta daloolada maqaarka, waxa aanu la dagaalamaa furuuruca iyo baraha madow ee maqaarku yeesho.

Malqacad malab ah waxa aad ku walaaqdaa laba malqacadood oo saliidda qumbaha ah (Saliid naarajiin) kaddibna dhowr daqiiqo ku duug maqaarka oo aan qoyanayn, adiga oo ka ilaalinaya isha hareeraheeda aadka ugu dhow, kaddibna biyo nadiif ah kaga maydh.

Qolof ridka maqaarka wejiga

Daqiiqad kasta waxaa dhinta 300 oo milyan oo ka mid ah unugyada maqaarka jidhka aadamaha, maalin kastana 50 illaa 70 bilyan oo unug. Dhimashada unugyadani dhib ma keento oo mid ksta oo dhinta mid cusub ayaa soo beddela, waxa se ka dhalata dhibaato kale oo ah in unugga dhintay aanu maqaarka dushiisa ka dhicin ee uu sii saarnaanayo, haddii muddo si uun looga daadin waayana ay keenayso in uu noqdo lakabyo madow ah oo maqaarka dushiisa saaran. Mar waa fool xumo, mar kalana waxa ay unugyadaas dhintay daboolaal daloollada maqaarka, waxa aanay keentaa dhibaato caafimaad.

Caadi ahaan unugyada dhintay waxaa jidhka ka daadiya sabuunta afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Scrap’ ka oo ah tan leh finanka / fururuca ee jidhka xoqaysa. Laakiin waxa ay xeeldheereyaasha baadhitaannadak u sameeyey faa’iidada malabku aaminsan yihiin in malabku uu yahay walaxda ugu habboon ee unugyadaas dhintay jidhka, gaar ahaan wejiga lagaga daadin karo.

Halka ay saabuuntu maqaarka ka xoqi lahayd, dadka qaarna dhibsan lahaayeen malabku ma xoqayo, haddana si saabuunta ka badan ayaa uu u daadinayaa unugyada dhintay, waxa aanu maqaarka u soo celinayaa dhalaalka dabiiciga ah.

Laba malqacadood oo malabkaas ah ku dar malqacad budada buskudka lagu sameeyo ee afka qalaad lagu yidhaahdo, ‘Baking Soda’ waxaa laga heli karaa dukaamada waaweyn ee dalka gudihiisa. Isku darkaas wejiga cabbaar yar ku duuq, kaddibna biyo cad kaga maydh. La soco…