Gudida Beelha Garxajis Iyo Salaadiinta Oo Caawa Ceerigaabo Ku Sugan Iyo Xaalada Deegaanka Ceerigaabo

Hargaysa (Salaanmedia.com) Gudida Beelaha Garxajis oo ay Weheliyaan Salaadiinta Beelaha Garxajis Iyo Cuqaal ka Mida Beelaha Garxajis Ayaa Arbacadii Soo Gaadhay Magaalada Burco Isla Markaana Shir Weyn Oo Albaabadu U Xidhan Yahay Burco Ay Ku Wada Yeesheen Odayaasha Aqoon Yahanka iyo Dhalinyarada Beelaha Garxajis Ee Gobokaasi Togdheer

Shirkan Ayaa Ahaa Shir Albaabada Laysu xidhay Isla Markaana Ay Saxaafadu Ka Caaganayd Waxaase Hubaal Ah In Ay kawada Hadlayeen Xaalada Colaada Ceel Afweyn Ee Soo Noqnoqonaysa Iyo Dagaalka Xukuumadu Doonayaso Inay Ku Qaado Jabhada Caare Arintaas Oo Ah Arin U Taala Sidii Ay Ka yeeli Lahaayeen Beelaha Garxajis Marka Hore Jabhadan Buuraha Sanaag Soo Degtay Ee Uu Hogaaminaayo Kornay; Caare Iyo Dagaalkan Joogtada Ah Ee Marwalba Soo Noqnoqonaya Ee Xukumuuaduna Ay Indhaha Ka Lalinayso Cida Gardaran Isla Markaana aanay Mar Kaliyaata Ka Hadal Xukuumadu Dagaalkii Ceel Afweyn Ee U Danbeeyay Kana Dirin Xataa Baaq Nabadeed Oo Afka Ka Xidhatay Dagaalkii Ceel Afweyn Oo Ahaa Dagaal Laysu Adeegsaday Gadiid TIKNIKO Ah In kastoo Lagu Kala Horeeyay Laguna Kala Danbeeyay Ayaan Mar Kaliyaata xukuumadu Juuq Ka Odhan Balse Ay Ka Hadleen Sheegeena Oday Dhaqameedyada Ka Soo Jeeda Beelaha Galbeedka Hargaysa Iyo Hawdkuba Cida Gardarada Leh Ee Mar Walba Jabinaysa Dhaartii Iyo Heshiiskii lagu Dhexdhexaadiyay Labadaasi Beelood Ee Dagaalku Ku Dhex Maraayo Deegaanka Ceel Afweyn Hadaba Si Kastaba Ha Ahaate Waxaa Layaab Leh Waxa Ay Xukuumada Soomaliland Uga Hadli Wayday Dagaakkaasi Iyo Colaadaasi Deegaanka Ceel Afweyn Ee Soo Noqnoqonaaya Una sheegi La Adahay Xukuumadu Cida Gardaran isamarkaana Ay Ula Xishoonayso Fulintii Looga Baahnaa In Ku Fuliso Cida Dhaarta Jabisay Ee Dagaalka Hadana Dib U Bilowday Arintaas Ayaa Ay Dadweynaha Somaliland Oo Dhami Is Waydiinayaan Balse Ay Sheegayaan Arkayaana Shacabka Somaliland Cida gardaran Balse Ay Xukuumadu Ku Ceebaysan Tahay Intaasi Ka Dib

Gudida Beelaha Garxajis Iyo Salaadiintooda Iyo Cuqaashooduba Iyagoo Si Wada Jir Ah Uwada Socda Ayay Shalayto Shir Albaabadu U Xidhan Yahay La Yeesheen oday Dhaqameedka Beesha Sacad Yoonis ee Deegaanka Ceel Afweyn Shirkan Oo Ay Kula Yeesheen Deegaanka BOHOL Balse Lama Oga Waxa Ay Kawada Hadleen Intaasi ka Dib Gudida Beelaha Garxajis Iyo Sulaadiintooda Macaa Cuqaashooduba Waxay U Kicitimeen Maantaba Dhinaca Magaalada Ceerigaabo Waxaanay Caawa Iyana Shir Albaabdu U Xidhan Yahay Kula Jiraan Oday Dhaqameedka Beelaha Garxajis Bari Waa Sanaag e Shirkaas oo Aan La Garanayn Waxa Ay Kawada Hadli Doonaan Ayaa La Filayaa Markuu Shirkaasi Caawa Dhamaado Ay Gudidada Iyo Salaadiinta Iyo Cuqaasha Beelaha Garxajis Ay U Anbabixi Doonaan Dhinaca Jabahada Kornayl Caare ee Fadhiisin Koodu yahay Buuraha Ceerigaabo Isla Markaana Ay Isku Hor Fadhiyaan Ciidanka Qaran Somaliland Ka Dibana Ay Jabhada Wada Yeelan Doonaan Shir Weyn. Si Ay Xaalada Ugu Soo Dabaalaan Sida Ugu Haboon Ee Mar Walba Nabad Gelyadu Ku Jirto Hadaba Si Kastaba Ha Ahaate Waxay Dadweynaha Ama Shacanka Soomaliland Ay U Dhag Taagayaan Sida Ay Wax U Qabsoomaan Isla Markaana Iyagoo Jecel Shacabka Reer Somaliland In Is Afgarad Iyo Nabad Galyo Ay Ku Soo Dhamaato Wax Kastaba Ayaa Hadana Laga Baqayaa oo Farta Ay Wadnaha Ku Hayaan Shacabka reer Somaliland In Is Afgaran Waa Yimaado Oo Xaaladuba Dagaal Colaadeed Isu Badasho Isla Markaana Dib Loogu Noqdo Taariikhihii Hore Loo Soo Dhaafay Ee 1991 kii Ama 1994 kii Oo Kaleeto Wixii War EE Intaas Ka Soo Kordha Kala Soco Shabakadan Salaanmedia.com

Illaahay Waxaynu Ka Baryaynaa In Ilaahay Sida Ugu Fudud Ku Soo Dhameeyo Si Wacana Laysu Afgarto Isla Markaana Ilaahay Inaga Badbaadiyo Dagaal iyo Bur Bur Danbee Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin

Salaanmedia/Burco