Hogaamin Maamul Leh Madaxwayne…Ugaas Maxamed Siciid

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Madaxweyne maaha in madaxiisu ka weyn yahay dhisme ahaan Dadka kale ee waxa weeye inuu ku sifoobo, Xilkasnimo,Qaad,Qorshe,Qanaacad,wax Qabad,Qoomiyadnimo,Qawl

Run ah, Qadarin,Qarannimo,la qancin karo waxna qancin kara.

Waa Qof leh:

Dul qaad, Dareen, Deexasho, Damqasho ama Difaac Dadkiisa iyo Dalkiisa,

Daacadnimo, Hayin, gurgur qaad laguna aamini karo Agab iyo Ubadba,

u Debacsanaan Danyartiisa, Oday xal u raadintu kala horayso xadhig iyo xabadda.

Madaxweyne ma noqon karo Qof:

1- Fudayd badan:

Oo aan ka fiirsan talaabo iyo go’aan kasta oo uu qaadayo, arrin kastana ka eegin dhinacyo badan.

2- Cugdadaysan:

Xusuusan cid xifaaltan af,arrin iyo addinba dhex maray.

3- Ka Aar goosta:

Hebelo, Koox,Jilibo ama Qabaa’il dhib iyo dheef dhex martay.

4- Adduunyo raadis/ urursi:

Dhul ama lacag oo aan kala eegin xalaasha iyo xaaraanta.

5- Kalsooni daro/Qab weyn:

Oo dadka ama iskala weyn amba dareensan in la dala’sanayo.

Ugu sambays waxa jiray

1-

Nin boqor ahaa oo Rag ku yidhi Inantayda waxaan siinayaa Ninka salaada hore nasaajidka in badan ku cibaadaysta, Nimankii ayaa tegay masaajidkii yimid waxay arkeen Nin ka bixi la’ salaada ilayn Ninkuba waa tuug masaajidka ka soo gelay Rag iryanaya.

Tuugii markuu damco inuu salaadda ka baxo wuxuu arkaa Nimankan sugaya markaasuu ku noqdaa.

Ugu dambays ayuu goostay inuu is dhiibo kol haddii aan laga tagayn, Nimankii ayaa kaxeeyay isagoo u qaba in la xidhayo dabadeed waxa loo geeyay Boqorkii.

Boqorkii ayaa Raggii waydiiyay oo yidhi “ma ninkanaa ugu cibaado batay dadkii ” waxay ku yidhaahdeen “haa”.

Boqorkiina sidaasuu gabadhiisii ku siiyay Ninkii Tuugga ahaa.

Tuugaasu wuuxu noqday Tuugii ugu nasiibka waynaa.

Bal adba ka sitee.

2-

Habar da’ ah ayaa heshay Wiil yar oo la tuuray loona bixiyay tuur.

Islaantii ayaa Tuur korsatay kana dhigatay Inankeedii,

Tuur markuu weynaaday ayuu Boqor noqday. Islaantii waxay maqashay inuu Tuur noqday Boqor,markaasay timid Madaxtooyadii iyadoo aad u faraxsan oo sugaysa inuu u saro kaco.

Nasiib daro, Boqorkii (Tuur) wuxuu yidhi kol hadaan mar dambe lay soo helayn inta lay tuuro waxba ugama baahni ee Habarta celiya.

Islaantaasina waxay noqotay Duqdii ugu nasiibka xumayd, Boqorkaasuna wuxuu noqday Boqorkii ugu abaalka xumaa.

Bal adba…..

3-

Waxa jiray Sheekh ku noolaa Waddan xaaraanta, boobka iyo dhacu ka hana qaaday.

Sheekhaa oo aad loogu han weynaa” Oday loo han weynaa oo lagu hoogay badanaa” oo xaaraanta ka dheeraa una dhabar adayga muddo badan una jeestay cibaado iyo Alle ka cabsi.

Sheekhaasu wuxuu ka foojignaa kana fogaa inay isaga iyo ubadkiisuba ka qayb qaataan dhiiga iyo dhaxalka agoomaha loo tafo xaytay.

Nasiib daro, Sheekhii waxa uu ku dambeeyay arrinkiisii ” Boqol soonkii bakhtiga ku afuray”oo dhankiisa ayuu ka bilaabay xaarantii uu in badan ka wacdiyi jiray Dadka.

Waxaad dareemaysaa adkaysiga iyo

Damiirka Aadamahu inuu yahay wakhti oo aan meel loogu soo hagaagaa jirin.

Sheekadani waxay noqotay arrin looma

Qaataan ah kana yaabisay ciddii

Maqashay yar iyo wayn oo u muuqatay kuna xusuusin karta “Riyaha Ri baan xaydh kaga ogaa lagase waa”

Waxa ka sii daran inay noqotay ” Sakaaro…… muuqday aas aastaa” iyo “dhuumasho dhabarku muuqdo” iyo dhaqan u gaara wax laysla og yahay oon qarsoomayn Hebelo ku sheeg xoolahaa xaaraanta ah.

Akhriste,waxaan ku waydiin lahaa Dalkeenu ma leeyahay cid dhaqankaa leh, mase taqaanaa, haddiise uu jiro muxuu yahay Magaca loo bixin lahaa?

Anigu kolay xagayga waxaan odhan lahaa:-

Ninkii bilicdiyo

Basarka lahaa

Ninkii Beelahana

Bidhaan u ahaa

Ninkii boqol wiil

Kasoo dhex baxiyo

Dabkii baxayee

Dadkana u bilaa

Dhibta baladkana

Badheedh ka galee

Dhamaan Biidhi qaatahu

Ka sii baqi jiray

Ninkii boolidana

Ku buus yidhiyee

Bedbaadshay naftee

Debed uga baxay

Iyaba bixisiyo

Bilaash weeyee

Bishii Ramadaan

Ee baryada Illaah

Dadkuba badin jiray

Miyuu bakhtigii iyo

Laaluush badan iyo

Wax baas ku afuray