Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Bandhigga 12aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa

Hargeysa (SalaanMedia)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa daah-furay Bandhiga 12aad ee Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeisa  oo sannad kasta lagu qabto magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horayn waxa uu u mahadceliyey maamulka iyo masuuliyiinta xarunta dhaqanka oo uu ku amaanay inay wax weyn kusoo kordhiyeen dalka, waxaana uu xusay in xarunta dhaqanka ee Haregysa ay qiimo balaadhan ugu fadhido qaranka Somaliland, waxaana uu soo dhaweeyey  martida ka timi waddamada kala duwan ee kasoo qeyb gashay bandhiga buugaagta.