Sheeko cajiiba oo ka dhacday diyaarad kasoo kacday dalka Kiiniya Iyo markii ay London soo cagodhiganaysay wixii dhacay..

Sheeko cajiiba oo ka dhacday diyaarad kasoo kacday dalka Kiiniya Iyo markii ay London soo  cagodhiganaysay wixii dhacay..

Hal qof oo ku soo dhuuntay diyaayad ay leedahay Kenya Airways flight number KQ-100 bishii June 30keedii oo ka soo kicitintay Nairobi una soo socotay London Heathrow airport qofkaas oo galay meesha taayirada diyaaradu (Landing gear wheel well) ku xaroodaan ka dib marka ay diyaaraddu hawada gasho.

Diyaaradaas oo ku soo safartay 6840km oo qaatay wakhti dhan 8 saacadood iyo 50 daqiiqo, ayaa markii ay diyaaraddu u diyaar garoobaysay hoos u dhaadhac (Descend Approach) si ay ugu degto gegida dayuuradaha ee Heathrow airport ayaa markay furatay albaabkii taayiradu ka soo baxayeen (Landing gear) waxaa ka soo dhacay qof meyd ah, isagoo ku soo dul dhacay beer ku taalay guri ku yaalla xaafadda Lambeth.

Ka dib markii uu arkay ninkii guriga lahaa shalay oo taariikhdu ahayd 1dii July ayuu la xidhiidhay Police-ka. Baadhitaan ay ku sameeyeen diyaaradaha soo fadhiistay Heathrow iyagoo isticmaalaya flight radar ay ogaadeen in qofkaasi ahaa qof ka soo dhacay meesha taayiradu ku xaroodaan ee diyaaradda Kenya Airways, markii uu furmay albaabkii ay ka soo baxayeen.

Qofkaaas oo aan weli la xaqiijin magaciisa ayaa police-ku ay ku wargeliyeen maamulka diyaaradda in uu qof ku soo dhuuntay uu ka soo dhacay. Sidoo kale waxay la xidhiidheen Kenya High Commissioner si ay u xaqiijiyaan qofka meydka ah ee soo dhacay.

Fiiro gaar ah:
Waxaan maqaal kale kaga hadli doonaa waxa ku dhici kara qofka isku daya inuu halkaas oo kale ku soo dhuunto iyo qofkan sababta uu ugu dhintay meesha uu galay. Waxaa ka hadli doonaa sidoo kale “in lagu soo badbaadi karo iyo in kale meeshaas iyada ah”.

Mahadsanidin.

Qore Foosi Maxamed Aw Muuse