Shirkada Carbeed Ee Ganacsade All Jaabiri Sharcigee Ayay Ku Dhoofinaysaa Xoolaha Laga Raro Dekada Berbera

Haragaysa (Salaanmedia.com)- Ganacsadahan carbeed ee Aljaabiri Shirkadiisu waa mid mudo badan ku dhex jirtay ganacsiga xoolaha, Waxaanu jaanis wanaagsan helay Sanandkii 2008 Xiligaasi oo uu ku guulaystay in uu dib usoo furo Dhoofka Xoolaha oo xidhnaa mudo ku dhow sided sanadadood.

Hadaynu dib uyar noqono sideedii sano ee dhoofka xoolaha ka xidhnaayeen dalka sucuudiga waxaa ka fa’iidaystay dalka jabuuti iyo ganacsadaha kale ee carbeed ee All yaasir oo xoolaha ka rari jiray dalka jabuuti.

Hadaba ganacsadha carbeed ee Aljaabiri Isna Wuxuu Kooto ku xidhay xoolaha ka Dhoofa Berbera mudo dhowr sanno ah markii u sameeyay macjarkii ugu horeeyay ee xoolaha lagu dhakhtariyo kaas oo shahaadadiisa caafimaadka xoolaha sharci ka ahayd wadamada khaliijka.

Gancsadae Alljaabiri xaalada Adag ee iminka ka taagan dhoofka xoolaha ee xukumada farmaajo siyaadayasay wuxuu isku dayay in uu furdaamiyo oo xeelado qarsoon ku dayo laakiin wali umay suura galin.

Wararka ugu danbeeyay ee laga hellayo illo xog ogaala ayaa sheegaya in shirkada all jaabiri damacday inay khiyaamo ku rarto xoolaha ka dhoofa dekada Berbera waxaana la sheegay in uu soo qaatay warqadii ay xukuumada xamar sucuudiga dhegta u saartay sidoo kalena uu qaato warqada caafimaadka xooaha ee laga bixiyo xafiiska wasaarada xanaanada xoolaha ee Somaliland Berbera kadibna uu sidaa ku rarto xoolihiisa

Arrinkan ayaana u muuqda mid khiyaamo qaran ah hadii sidaa la sheegay rumowdo waxaanay noqonayasaa markii ugu horaysay mudo 28 sano ku siman in xoolaha Somaliland ku dhoofaan warqad xamar lagasoo jaro.

Xiligan waxaa Buuxa Macjarka Aljaabiri , waxaanu doonayaa in shirkada aljaabiri ay ku rarto xoolaha Maxjarka ugu buuxa markabka layidhaa LAYLA J kaas oo tagan haabada dekada Berbera inakstoo galinkii danbe ee Shalay inta lasoo xidhay hadana dib looga furay dekada.

Hadaba intii La Doortay Xukuumada xamar ee farmaajo Haysto waxaa Isasoo tarayay khilaafka ka dhexeeya labada dal heerka uu maanta gaadhayna waligii ma gaadhin oo xukuumadihii hore ee dalka soomaaliya soo maray sida Xasan sheikh maxamuud iyo Shariif Axmed marna cadaawad may muujin labada dal ka dhaxays oo xataa wadahadalo ayaa socday labada dal kaga wada hadlayeen mustaqblaka danbe wixii xal noqonayo