Taageerayaasha Donald Trump oo ku baaqay in Ilhan Cumar Soomaaliya loo celiyo

Ilhan Cumar oo katirsan aqalka Koongareeska dalka Mareykanka ayaa dhibaato xoogan kala kulmeysa Madaxweynaha mayalka adag ee dalka Mareykanka Donald Trump iyo taageerayaashiisa.

Qaar kamid ah taageerayaasha Madaxweynaha dalka Mareykanka oo ka qeyb galayay isku soo bax uu khudbad ka jeedinayay Donald Trump ayaa ku baaqayay kuna dhawaaqayay in Ilhan Cumar dib loogu celiyo dalkeeda Soomaaliya.

Taageerayaasha Madaxweyne Trump ayaa mar uu Madaxweynaha soo hadal qaaday magaca Ilhan Cumar ku dhawaaqay hal ku dhig ah “Waxaad ku celisaa dalkeedii” ay ula jeedeen Soomaaliya.

Ilhan Cumar ayaa durba barta ay Twitterka ku leedahay kusoo qortay fariin kooban ay uga jawaabeysay baaqa taageerayaasha Trump, waxa ayna sheegtay in ay joogeyso halkii ay aheyd ay ula jeedo Mareykanka.

Madaxweynaha  Mareykanka Trump ayaa dhawaan afar haween ah oo katirsan Aqalka Koongareeska ay ku jirto Ilhan Cumar ugu baaqay in ay ku laabtaan dalalka ay asal ahaan kasoo jeedaan intii ay u sheegi lahaayeen Mareykanka sida ay tahay in wax loo sameeyo.