Dudumo Ciidi Ma Ka Maydhantaa ( Abd-Shotaly).

Dudumo Ciidi Ma Ka Maydhantaa ( Abd-Shotaly).

Horaa loo yidhi ” Dudumoo-yinkoo lala hadlaa,  Damac ma yeeshaane” Waxa cayn-kaas ka dhigan ” Af-dulaaq darayo” Waa ka ay dadka moodeen, kuna sheegaan wax ay ku magacaabeen  wasaaradda doqon ma waydo, ee ay ula baxeen” Wasaaradda war-faafinta iyo wacyi gelinta ” Maxaa magac iska ba’ay”, ilayn Af-dulaaq baa loo wakiishay wacyi gelin iyo in uu dad isi soo hortaago oo wax u sheego’e. Murti kale oo sarbee-baysan baa waxay ina odhanaysaa ” Qofka is yidhaaha dudumo ciid ka maydh” waa ruux aan caadi ahayn, maskaxina ku jirin, oo aan fekerin ilayn gebigee-duba ciid bay ka samaysan tahaye. Haddii la isku dayo in laga dhameeyo ciidana, waa in ay meesha ka baxdaa, oo la waayaa dudumadu siday u dhan tahay. waa sidda magacii Somaliland loo waayey ee uu meesha uga baxaye. Akhristaw hadaba qofka Af-dulaaq” waxa u dirtay ” Waa raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximane” Saw maaha qaar ka sii liita, waayo xaal-kiisu waa ka dar oo dibi dhal.

Murti ay isticmaalaan xoola dhaqatadu baa waxay ahayd ” Adhi daasad kama il-baxo” waxa afka kala qaaday, oo is yidhi wax baad ku hadlaysaa ama sheegaysaa, kaan sare ku soo carabaabay, ka dib-na siddii sacii la yidhi wuxuu la ciyaa ama la aamusaaba ” Waa Bacaac” buu siddii u caadiga ahayd Xumbaddii uu qubi jirey ka soo waq siiyey. Hore baa markii uu Tog-dheer ka badhisaabka ahaa, ay reer Burco ugu bixiyeen ” Xumbo Weyne” kolay arkeen waxa qawlaladda ka daada-naaya iyo nacasnima-diisa, aanu xataa is asturi karin ee uu qarda-jeex yahay murqaanka barjahu ka hadlinaayo. ka sidaa u dhintay baa itaal baaska is leh, wax ka difaac maamulka askarta jaho-wareersan ee kala wareegsan, kuwaas oo hadda dhooqo dhex fadhiistay siddii hal galoof ah, oo gelgelin dhoobo ah ku gelgelimay-sanaysa. Nasiib darro-se waxay tahay hashu takarta bay iskaga reeb-taaye, Af-dukaaq muxuu iskaga reebi doonaa doqonimadda tolow, ilayn waa u dhalasho, ee wax fuulay maahe sidda takarta.

Waxan ku soo dabray maqaalkan ” Sakaaro xaar la arkaayo bay aasaas-taaye” oo ay is tidhaahaa cidi yey arkine qari, markay sidaas uga dhaqaaqdo, baa daba-gaale soo fadhaa, oo uu ceeb-teedda debedda keenaaye, waxan uga socdaa Arinka ka dhacay “Golaha Xil-dhiba-yaasha ” Waa kuwa dhibay xilkii loo egmadaye ( waxad malaha u taqaaniin xildhibaan). kuwaas oo ku shaqeeya amarka askariga Hargeisa ka dhex botoriya, bilaa caqliga ah ee aan rabbiba goror ugu shubin madaxa iska dul saaraan sidda qolofta geedka. buu aqoon xumidiisa is leeyahay kala carar waxa la wadda og yahay, meel kale-na afka u saar. Dhan kastoo aad eegto-ba, ma jiraan wax ka madax banaan askariga, haddii ay tahay Maxakamado ku sheeg-yadda, Booliiska, waxa ay ugu yeedhaan ciidanka qaranka, labadda Gole ee Xil-dhiba-yaasha ah ( guurti ku sheeg iyo kuwa la yidhaaho baarlamaanka) iyo kuwa uu yidhaaho shimbira-yahaw Heesa ( Waa golaha wasiiro ku sheega ahe). waxan ku soo af jaray, Dalkan ma jirto meel fayaw oo la taabtaaye yaan lagu daalin, ayax iyo dhashiisii, oo ka sii daran baa uu u gacan galaye.

* N.B Doqoni Waa Duleed Joog.
Qore:- Abdi-shotaly.