Farmaajo Oo Maanta La Kulmay Madaxweynaha Jabuuti + [ Sawiro ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Jabuuti ku yeeshay wadahadallo miradhal ah oo ku aaddan sare u qaadidda xidhiidhka labada dal ee Somaliya iyo Jabuuti .

Madaxweyneyaashu waxay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi.