Golaha Ammaanka Oo Diiday Qaraar Ay Wadday Kenya

Golaha Ammaanka ee QM ayaa laaley isku day ay dowlada Kenya ku doonaysay in qaraarka uu lambarkiisu yahay 1267 lagu dhaqan galiyo dalka Somalia.

Qaraarkan ayey Kenya ku dooneysay in lagu daro ururka Al-Shabab ee Soomaaliya loona aqoonsado urur argagixiso oo la mid ah Al-Qaacida iyo ISIS.

Haddii uu meel mari lahaa isku dayga Kenya, waxay taasi keeni lahayd in deegaanada uu ururku joogo aan kaalmo bani’aadanimo la geyn karin, xilli roob yaraan iyo barakacba uu ka jiro gobollo Soomaaliya ka mid ah.

Wadamadda Mareykanka, iyo Faransiiska oo ka tirsan xubnaha joogtada ah ee golaha, kuwaas oo ay weheliyaan waddamada Belgium, Germany, Kuwait, iyo Poland, ayaa dhamaantoodba is-hortaagay qaraarkaasi.