Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Ka Fogoow Caadooyinka Ay Kuwa Guuldarraystaa Caanka Ku Yihiin (Qaybta 2aad)

Waa qaybtii labaad ee qormadii uu qoraaga Darius Foroux caadooyinka lagu yaqaanno dadka guuldarraysta ama hab-dhaqannada cidda lagu arkaa ay inta badan tahay cidda ku fashilanta ka dhabaynta himiladeeda.

Talada iyo aragtida dadka

Xanuunnada waaweyn ee dadka ku dhaca waxaa ka mid ah isla qummanaanta, in uu qofku u qaato in cid wax badan ku kordhin kartaa aanay jirin, kaddibna aanu xiisayn dhegeysiga talada iyo tusaalaha dadka uga imanaya.

Imisaa xikmad la’ lahaa laga helay afka ruux aan lagaba filayn. Imisaa hadal si sibiq ah uu qofku ku helay, uu horseeday in uu wax weyn ka beddelo masiirkii noloshiisa kuna hago tubtii saxda ahayd ee guusha uu ku gaadhayey.

Xidhiidhka aad dadka la leedahay ha jarin, hadalkoodana dhugmo u yeelo. Mar kasta oo ay kuu suuragasho ha dayicin in aad la kulanto dadka aqoonta, waayo-aragnimada, xikmadda iyo garaadka leh iyo xitaa dadka aad ogtahay in niyad wanaag badani ku jiro, xitaa haddii aanad xikmad badan ka filayn.

Wahsi isu dhiibka

Qof kastaa waxa uu jecel yahay in uu helo saacado iyo maalmo uu laalo dhammaan barnamaijyada uu lahaa, si ay maskaxdu u hesho firaaqo ay ku nasato. Shaqada joogtada ah iyo hawlaha adduun ee nolosha lagu dabbarayaa si kasta oo ay nolosheenna quruxdeeda qayb uga yihiin, haddana waxa ay naftu u aragtaa arrimo ay ku qasban tahay iyo in xorriyad badani ka maqantahay. Waxa ugu yar oo ay u ciil qabtaa in ay hesho waqti ay iyadu xor ah oo aanu waajibaad shaqo iyo masuuliyado sugayn.

Waxa kale oo jirta marar badan oo uu qofku naco shaqada soo noqnoqota ee muddada dheer uu ku jiro, kuna fikiro in sida ugu fiicani ay tahay in uu helo shaqo iyo waayo-aragnimo cusub oo naftiisa qurxisa.

Arrimahaas aynu soo sheegnay haddii aanu qofku si qurux badan u maarayn waxa ay ku keenaan wahsi iyo in uu shaqada naco ama waqti badan ku lumiyo macno darro iyo shaqo la’aan.

Haddii aad guul raadinayso ka adkaw wahsiga arrimahaas ka dhasha iyo guud ahaanba in aad nafta ka ogolaato raaxada dheeraadka ah ee ay doonayso iyo caajiska. Sida ugu fiicanina waa in aad lahaato waqtiyo firaaqo fiican aad hesho si aad u nasato iyo waqtiga inta soo hadhay oo jadwal buuxa aad yeelato si ay naftu u dareento muhiimadda ay leedahay in ay dhammaystirto waajibaadka shaqo ee u yaalla, oo aanu jirin waqti ay dib u dhigato oo u bannaani.

Faduul la’aan

Inta badan dadka waxaa caado u noqota in ay iska raacaan samayska iyo jidka ay jeexaan awoowyadood iyo dadkii hore bulshadoodu ugu dayanaysay. Waa sax in ay fiican tahay qofku uu dhawro dhaqan fiican ee uu ka dhaxlay awoowyadii ama akhlaada diintiisu faraysa, waa ay fiican tahay in laga taxaddaro dhaqan iyo aqoon kasta oo khatar ku ah qiyamkaaga qofnimo iyo umadeed.

Laakiin haddana, waxaas oo dhami ma’aha in ay kaa hor istaagaan in aad barato waxa cusub. Waxa aad ogaataa in jiilba jiilkii uu ku horreeyey ay ku adkayd helidda aqoon cusub iyo waayo-aragnimo dheeraad ah oo maanta si sahal ah lagu gaadhi karo. Waxa aad ogaataa in ay ka maqnayd ama ku yarayd xog badan oo maanta aad daqiiqado ku ogaan karto. Haddii aad intaasba ogtahay maxaa kuu diidaya in aad aqoontii iyo waayo-aragnimadii awoowyada ku naaxiso xogta adduunyada ku kala baahsan ee aad maanta heli karto iyo aqoonta casriga ah.

Faduuli noqo oo baadh waxa ka jira dunida kugu xeeran, ogoow xaqiiqada ka jirta adduunka, kaddibna ka faa’idayso, ogowna oo haddii aad noqoto bartii yaqaan aan waxa ku xeeran aqoonin, waxa aad halis u tahay guuldarro.

Dhaqan fiican

Waa laga yabaa in dadka qaar ay fahmi kari waayaan sida ay fiicnaantu tahay ama wax lagu garan karo, laakiin haddana waxaa hubaal ah in dhammaanteen aynu kala naqaanno marka aynu qofka ku odhanayno waa qof fiican iyo marka aynu ku sheegayno qof xun. Fiicnaanta, soo dhoweynta, dhibirsanaanta iyo furfurnaantuba waxa ay ka mid yihiin arrimaha caawiya xidhiidhada bulsho ee qofka, xidhiidhkaaga bulsho oo fiicnaadaana waa tallaabo guushaada caawinaysa.

Qoraaga oo fiicnaanta ka warramayey ayaa hadal ku soo koobay, haddii aanad garan karin nooca uu yahay qofka fiicani, waxa ay u dhowdahay in aad tahay qof dabeecad xun.

Isdhiibis

Thomas Edison oo loo aqoonsanyahay hal-abuurkii abid ugu weynaa ee soo maray Maraykanku waa ninkii curiyey Dab-dhaliyaha korontada (Mishiinka laydhka), habka qulqulka war-isgaadhsiinta, duubista codka, kamaradaha fiidyowga, iyo laambadaha laydhka.

Laakiin guulahaas uu gaadhay ka hor jid dheer ayaa uu soo maray, guuldarrooyin badan iyo hagardaamooyin ka hor yimi ayuu u dhabar adaygay, waxaana laga reebay hal-ku-dhegga caanka noqday ee ah, “Jidka ugu fiican ee guushu waa in aad mar kale isku daydo” oo uu uga jeedo in waxa aad mar samaysaa haddii uu qaldamo, aanad ka hadhin ee aad marar kale ku celceliso.

Guul kuma gaadhaysid haddii aanad diyaar u ahayn in shayga aad mar ku fashilantay, marar badan oo kale ku celiso. Waxa aanay u badan tahay ku celcelin kaddib in aad guusha gaadhi karto.

Please follow and like us: