Khudbaddii Salaada Ciida ee Saylici oo Soo Jiidatey Shacabka iyo Dareenka ay Ku Leedahay Xiisada Ceel-Afweyn.

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),
oo Salaadii Ciidda Shalay Shacabka Kula Tukaddey Masjid Jaamaca Hargeysa, ayaa Salaadii Kadib Khudbad darreen leh oo Shacabku u dhegtaagey Halkaa ka Jeediyay, Khudbadaas oo Marka loo eego Munaasibada Ciidal-Adxa ee shalay Laga Ciidey Guud ahaan Somaliland, Kamid aheyd Arimaha Sida gaarka ah Loo Calaamadiyay,

Waxaanu Madaxweyne Kuxigeenku Si gaar ah Hoosta uga Xariiqey, Saameynta Taban iyo midda Togan ee ay Qabyaaladu dib-udhaca ugu keentay Somaliland isagoo Sigaar ah u Xusey In 28 Sanno kadib Uu dalkani Maanta Boqolkiiba Boqol ka Fiicnaan lahaa ama ka labanlaabmi lahaa halka uu Maanta Taagan Yahey haseyeeshee, Marka loo eego sida loogu Dhaqmayyo Qabyaaladdu Madax iyo Shacbiba ay Sabab u Tahey in Dib u dhac weyni ku Yimaado Geedisocodkii Somaliland sida uu hadalkiisa u Dhigay, iyo hiigsiga ay ku bartilmaameedsanayso in ay Noqoto Dal Madaxbanaan.

Guud ahaanba Shacabka Somaliland ayaa Khudbadani Madaxweyne Kuxigeenku sigaar ah u Taabatey iyaddoo, aan Duurxul iyo Leexasho midna laheyn balse, Madaxweyne kuxigeenku Cabdiraxmaan-Saylici si badheedhe ah ugu gudbiyay Shacabka,Waxaana Xusid muddan in aanu kala Reebin Madax iyo Mijjo taas, oo macnaheedu tahey in Qabyaalada cidda ugu horeysa ee laga daradaarayaa Tahey Cid kasta oo Masuuliyad iyo Xil u haysa Bulshada.

Sikasta oo ay aheydna Khudbadaasi Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) ka jeediyay Shaley Salaadii Ciida Carrafa ayaa Sabab u ah in ay Saameyn ku yeelato guud ahaanba Bulshada Maadaama uu kaga hadley Mawduuc Waaqici ku ah Shacabka Somaliland iyo Madaxdiisaba islamarkaana, ay Dhibteedu maalin walba Taagan tahey, haba ugu yaraato Mushkilada aan Joogsiga laheyn ee Xiisadda Ceel-Afweyn.